Page 1 of 2

Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 8:23 am
by kambuli
Shanta qof ee madaxa laga gooyeyba waxay kasoo jeedeen, qabaa'ilka laga tirada badan yahay :!:

Waxaan maqli jirey "Miskiin baa misko la fuulo leh" :x :x :x

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:10 am
by GacanSareeye
:lol: :lol: :lol:

Kambuli not everyone is beheaded by shabaab. there are imitators. Dont believe everything you read.

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:33 am
by kambuli
Gacan,

I never said it was Alshabaab :down: You think I am dumb :?: I don't buy everything..

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:34 am
by GacanSareeye
kambuli, post the article here fadlan, or tells us where it happend and why

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:45 am
by ciyaal_warta
Shanta qof ee madaxa laga gooyeyba waxay kasoo jeedeen, qabaa'ilka laga tirada badan yahay :!:

Waxaan maqli jirey "Miskiin baa misko la fuulo leh" :x :x :x

waxay ahaayeen masakiin fuundi ah oo guryaha dhisoo...reason ka loo dilo waxa waaye maxaad u dhisteen guriga umada...masakiinta maxay galabsadeen ayaga shaqadooda lee qabsanaayeen..hadey kasoo horjeedaan kuwa meesha lacagta ku bixiyey in la dayactiro maa la dilo...

ina lillah wa ina ileihi rajicuun :(

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:47 am
by GacanSareeye
but guriga ummada is controlled by the tfg, when did they start beheading people. something is wrong with the story.

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:49 am
by ciyaal_warta
but guriga ummada is controlled by the tfg, when did they start beheading people. something is wrong with the story.

dhalinyaradaan ciyaal fuundiga guryaha dhiso waaye ....xaafadahooda markey ku laabteen aa laga soo baxay alshabab aa lasoo baxday yaaqshiid ayaa lagu dilay

allah yarxamhom

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:50 am
by GacanSareeye
As usual the suspects are Shabab. but i wonder if the tfg just didnt have the money and decided to rid off these miskiin guys known shabab would be blamed anyways.

Muqdisho (RBC) Ugu yaraan 5 ruux oo meyd ah oo ka go’an madaxa ayaa lagu arkay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ka mid ah goobaha ay joogaan maleeshiyaadka Shabaabka ee dagaalka kukla jira dowlada ku meel gaarka.

Dad degaanka ah ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in meydadkaasi ay ku wada jireen hal god oo lagu wada riday, waxaana dhamaantood ay ka go’naayeen madaxa.

Ruux ku sugan xaafad ku dhow degaankaasi oo RBC telefoon kula hadlay isla markaana codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in shanta ruux oo ahaa rag ay ahaayeen dad xoogsato ah oo ka shaqeyn jray dhismayaasha magaalada Muqdisho. Waxaana sida wararka soo baxaya ay sheegayaan in shantaasi nin ay ka mid ahaayeen shaqaalihi dayactiray guriga shacabka oo barlamanka Soomaaliya uu dhowaan ku shiri doono kaasi oo maalmahanba hawlo dayactir ah laga waday.

“Aniga waxan ku noolahay xaafad meesha ku dhow suuqa ayaan subaxdii tagaa, waxaana saaka markii aan soo socday arkay shanta ruux oo madaxa ka go’an”, ayuu yiri qofkaasi goob joogaha ah.

Wuxuu intaasi raaciyey “Nimankaan kuligood waxay ahaayeen dad shaqo ka yimid oo dharkii shaqada ayey wateen. Waxayna ahaayeen fuundiyaal, lugaha ayaa ka soo muuqday…. Ma garan karo qof ahaan”, ayuu intaasi ku daray qofkaasi codsaday in magaciisa la xigto.

Sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen waxaa nimanka shaqqalaha ka ahaa guriga barlamanka loo dayactiray la qabtay xilli ay ka soo rawaxeen shaqada. Waxaana sida muuqata loo dilay hawshaas ay ku jireen.

Kooxda Shabaab oo dagaal kula jirta dowlada ku meel gaarka iyo ciidanka AMISOM ayaa horey ugu hanjabtay inay dili doonaan cid kasta oo la shaqeysa dowlada ama ciidanka AMISOM.

Dadka reer Muqdisho, gaar ahaan xoogsatada muruqmaalka ah oo ku nool waxa ay maalinta shaqeystaan ayey arintan cabsi xoogan ku abuurtay, waxaana arintan ay ka nixisay qaar badan oo ka mid raga dhismayaasha ka shaqeeya eek u nool caasimada, waxayna tani ku kalifeysaa inaysan shaqo u raadsan goobaha ay dowladu maamusho si ay naftooda u badbaadiyaan.

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:54 am

i dont know but as report says jidka warshada which alshabab control area bro...these guys finish the job b4 two weeks so if TFG wanted to get rid off them they would have done b4 two weeks...alshaba is always the suspect when there is a beheading

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 9:55 am
by Paddington Bear
I truly love Kambuli. :mrgreen:

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 10:38 am
by kambuli
These Alshabaab folks do beheadings when they do "Xukun" to someone..We saw it before..

But the fear-mongering beheadings is not a Somali thing..It is a Xabashi stuff :up: They do these stuff in Somali Galbeed...

Whoever did it is someone who is trying to scare Somalis at the expense of Somalis heads :x :x :x

Timir Laf Baa Ku Jirta :!:

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 11:50 am
by subeir123
Ahlusunnah mujahid uu gabay u tiriyay Khawarijta Al-Shabab :clap:

Ashahaado la dirirkii la waa aragtidoodiiye

Ayagaba amuur baa heshoo aabi laga raacye

Aflibaax inay galeen uunku wada sheegye

Altallariga markii lagu ridey oradka boobeene

Agab waxay wateenna aayar lagaqaadye

Arxan loomagalin nimankii afafka duubnaaye

Unuunkaa ka wada go'an raggii soo ahaan jiraye

Adimada ayey taagayaan aagga Guriceel e'

Amakaag baa ka haray wixii aaminaanjiraye

Aduunyada waxay mudanyihiin waaba aragnaaye

Aakhirana Ilaahow ka goo' eeyda goorta lehe

Wax dhanbaa hayrayaal Shabaab hadal la gaarsiiyey

Wax dhanbaa halaag looga digay har iyo habeene

Haadduse nimay saarantahay baan hadal ladeeqsiine

Horarkaba nimankii ahaa wiilal baa helaye

Ayagoo harmiid leh ayaa hawdka lagu laayey

Halyey waxay ku sheegeen ayaa haadku cunayaaye

Hoobiyaha markii lagu harqiyey oo hugunku uu yeeray

Hawsalka iyo faalkiyo markii holucu uu leefay

Hareeraha markii laga galoo hooto lala eegtay

Ma hubsan halkii looga yimid iyo hawshu saytahaye

Ayagoo is-haaraamayey baqo huleeleene

Haraadigii ka harayna mar un waa la soo heline

Huwantaan la buunbuunshay dagaal holibamaayaane

Haweenka iyo caruurtay hanaqa gooyaane

Hul un bay ilmaha lagalin oo horin ku fuulaane

Hawlgal dabadeed bay hoggaan dalaq ku siiyaane

Hadimada kuwii qoolay baa talo la haybshaaye

Haadaanse in loo qodey hoosta ka xariiqin

Har cad inay dhagax ku hoobsheenna waaba la hubaade

Hal ku dhigayga maansada Allow hiillo igu siiyoo

Haawaydaan la soo diray waqaa halaagtaaye

Hal Ilaahow ka dhawr oo hakala reebin

Haawiyana Ilaahow ku tuur iyo holicii naareede

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 11:59 am
by AhlulbaytSoldier
Everyone knows who did this,except the blind,deaf and dumb.
now the question is: for how long will this virus be tolerated?

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 12:02 pm
by shaamboo
inaa lilaah wa inaa ileehi raajicuun, Ilaahey ha u raxmado waxay ka dhinteena samir iyo iimaan allah ka siiyo.

Fcking shabaabiist aka sharaamiist

Re: Ma Maqasheen..?

Posted: Thu Apr 22, 2010 12:09 pm
by Arbmn
Fcking shabaabiist aka sharaamiist
Why do you hate Al-Shabaab so much?