the people of galmudug have wlc the mujahedeen and the establishment of muslim Somali state ruled under sharicatul islam..
Xarakada Shababul Mujaahidiin oo maalmihii ugu dambeysay ku jirtay howlgalo ka dhan ah gobalka Galguduud, gaar ahaana meelaha ay joogeen ciidamada kooxda Ahlu Suna oo dhawaan heshiis lagashay dawladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa la kulmaya manta duqowda dhaqanka iyo dadweynaha magaalada Ceeldheer oo ahayd meel ay ku xoogan yihiin ciidamada Ahlu Suna shalayna laga saray.
Madaxda ugu sareysa Xarakada Al- Shabaab ee gobalka Galguduud oo shalay gaartay deegaanka la qabsaday, ayaa dadweynaha uga mahad celiyey sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen deegaankooda, waxa ayna tibaaxeen in looga baahan yahay in ay diyaar garoobaan xukunka Alle oo laga oogo deegaanka Ceeldheer.
Odayaasha dhaqanka oo qaarkood la kulmay masuuliyiinta Al- Shabaab ayay isku afgarteen qodobo kala gedisan oo laga wada hadlay, ayna ugu horeeyeen sidii dadka Ceeldheer ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta magaalada iyo In sharecada Islaamka laysku maamulo.
Saraakiisha Al- Shabaab oo meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha Ceeldheer ayaa usheegay in ay guud ahaan qabsadaan Galguduud iyo Soomaaliya oo dhan, laga hirgalin doono Shareecada Islaamka, waxa ayna dadka Reer Ceeldheer ugu baaqeen in ay usoo baxaan Kitaabka Alle, oo ay isaga walaalo ku noqdan ay ka tagaan wax kasta oo ay horay uga dhex jiray.
Dadweynaha ayaa sacab ku soo dhaweeyey hadaladii Madaxda ugu sareysa Al- Shabaab ee gobalka Galguduud, waxa ayna balan qaadeen in ay gacan siin doonaan dagaalada ay ku jiraan Xarakada Al- Shabaab ee looga soo horjeedo ciidamada Shisheeye iyo cid kasta oo taageerta danaha Reer galbeedka.
Xarakada Al- Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeysay waday howlgalo adag oo ay ka waday gobalka Galguduud, taasoo keentay in ay la wareegto dhul balaaran oo kuyaala gobalkaas, oo ay horay ujoogeen ciidamo ka tirsanaa kooxda Ahlu bidca wal subag, waxa ayna hada Al- Shabaab doonaysaa in ay guud ahaan la wareegto gobalka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
masha-allah..the last victory will be with the muslims as allah promised us..allahu akbar