Hadalkan u sheegay Associated Press, isagoo ka sheegay in boqolaal ciidan ah ay u goosteen dhinacyada mucaaradka, kuwaasoo uu sheegay inay la goosteen hubkii la siiyay, wuxuuse diiday inuu sheego tirada ciidamada.
Dowlada Mareykanka ayaa durba arintan walaac ka muujisay, waxaana saraakiil u hadlay Wasaarada arimaha dibada ay sheegeen in lacagta ay ku bixinayaan DF ay si dadban tababar loogu siinayo xoogag xiriir la leh Al-Qaacida sida Ururka Al-shabaab.
"Boqolaal ciidamo ah ayaa ka goostay DF, waxayna ku biireen Mucaaradka" ayuu u sheegay AP Taliye ka tirsan ciidamada Milateriga Dowlada Somalia oo lagu magacaabo Col. Axmed Aadan Dhayow
Sarkaalkan wuxuu sheegay in ciidamada goostay ee ay ogyihiin ay intooda badan kusoo tababarteen dalalka Jabuuti, Kenya iyo Uganda, ayna waayeen mushaar $100 oo loo balanqaaday markii ciidanka ay qoranayeen.
Dowlada Somalia oo ka talisa deegaano yar oo Muqdisho ku yaala ayaa tani waxay ku noqonaysaa dhabarjab weyn, iyadoo mas'uuliyiinta la hadlay AP ay sheegeen in mushaarkii ciidamada qaab kale loo isticmaalay.
"Ciidamada waxaa loo sheegay inay bil walba heli doonaan $100, balse ma jirto wax la siiyay tan iyo markii ay kasoo laabteen tababarada, taas ayaana keentay inay baxsadaan" ayuu mar kale yiri Col. Axmed Aadan Dhayow.
Col. Dhayow wuxuu sheegay in ciidamada qaarkood aysan u gelin Al-shabaab, balse ay go'aan ku gaareen inay isaga tagaan howsha ciidanka, isagoo sheegay in tani ay waji-gabax ku tahay Dowlada sanad jirka ah ee Somalia.
"Mareykanku wuxuu balanqaaday inuu mushaar siiyo 1,800-askari, halka dalalka kale ee deeq bixiyeyaasha ah ay balanqaadeen inay bixinayaan mushaarka 3,300-askari, kuwaasoo qayb ka ah 10,000-askari oo ay DF doonayso inay amaanka kusoo celiso" ayuu yiri Yusuf Indhcade, oo sheegay inaysan jirin askar mushaar la siiyay sanad ku dhawaad.
Ciidamada Booliiska DF ayaa iyaguna ka cabanaya mushaar la'aan midan la mid ah, iyadoo Dowlada Mareykanka ay sheegtay inay ku bixisay dib u dhiska ciidamada DF in ka badan $6.80-Million, taasoo gacanta loo geliyay Madaxda Dowlada Somalia.
Fadeexadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay oo DF lasoo gudboonaata, waxayna muraal-jab ku tahay beesha Caalamka oo u xusul duubayay inay dowlada Somalia sare u soo qaadaan, iyadoo Sh. Shariif uu sheegay dhawaan inuu qabsanayo dalka oo dhan.



