Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya oo sheegay inay soo gabgabeeyeen qoraalka dastuur ay yeelato Soomaaliya
Isniin, May 03, 2010 (HOL) - Wasiirka dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay dhameystireen qoraalka dastuurka cusub ee uu dalka yeelanayo.
Madoobe Nuunow ayaa sheegay in dastuurkan cusub ee ay qoreen uu yahay mid Federaali ah oo lagu badalayo dastuurkii hore, isagoo xusay in shacabka loo weydiin doono codka kalsoonida marka la isla ogolaado.
"Sannadkan dabayaaqadiisa ayaan Shacbka Soomaaliyeed u soo bandhigaynaa dastuurkan cusub ee qoraalkiisa la dhameeyay, markaasoo aan ururin doono rayiga dadweynaha si loogu daro haddii ay noqdaan kuwo ka maqan" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka oo intaas ku daray:
"Dastuurkan qof walba oo Soomaali ah wuxuu ka dhiiban doonaa rayigiisa, waayo waa axdigii lagu dhaqi lahaa, waxaana dastuurkan uu hannaanka maamul ee dalka u badali doonaa mid Federaali ah iyadoo laga gudbayo nidaamka 4.5-ka ah".
Xubnaha qoraya dastuurkan ayaa waxay ku sugan yihiin dalka Jabuuti, iyadoo la sheegay in lagu baqay inay faragelin ku sameyso qoraalkiisa Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo hay'adaha caalamiga ah ee ay saaxiibka yihiin.
Ugu dambeyn wasiirku wuxuu sheegay in dastuurkan uu noqonaya kii ugu horreeyay oo laga ansixiyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana gogol-xaar u noqda doorasho xor ah oo ka dhacda dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




