Xaawo Cabdi: ''our hospital was attacked for helping hutus''
Posted: Mon May 10, 2010 3:35 pm
Muqdisho
Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu xirnaa Isbitaalka Xaawo Cabdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho uu u xirnaa Malayshiyaadka Xisbul Islaam ee Degaankaas ka taliya ayaa waxaa soo badanaysa Cabashada loo jeedinayo Maamulka Xisbul Islaam oo laga codsanayo inay ogolaadaan in dib Isbitaalku u howlgalo.
Mulkiilaha Isbitaalkaas Drs,Xaawo Cabdi oo maanta Warbaahinta u warantay ayaa sheegtay in guud ahaanba ay istaagtay Shaqadii isbitaalku in mudo ah,waxayna sheegtay in la dhacay qeybo badan oo kamid ah Qalabka isbitaalku ku howlgali jiray,isla markaasna xabsiga la dhigay dhamaan Ilaaladii Isbitaalka & Shaqaalihii intaba.
"Waxaa la dhacay Qeybo badan oo kamid ah qalabkii aanu ku howlgali jirnay,sidoo kale waxaad u jeedaan in guud ahaanba uusan isbitaalku shaqaynin,waxaa taas ka mas'uuliyadeeda leh Xisbul islaam oo xirtay Shaqaaleheenii isla markaasna ka danbaysay khasaarihii halkaan ka dhacay"Ayey iri Drs,Xaawo Cabdi oo la hadashay qaarkamid ah Warbaahinta oo ku booqday Xarunta Isbitalkeeda.
Xaawo Cabdi waxay sidoo kale sheegtay in aysan aqoon sababta ay Xisbul Islaam u xirtay isbitaalkeeda,waxayna sheegtay in ay arintu u egtahay in aanan loo baahnayn in Shacabka la kaalmeeyo ee la doonayo Dhibaatooyin hor leh oo Shacabka soo barakacay loo geysto,waxana intaas ku dartay in aysan ka tanaasulayn Shaqada ay Bulshada u hayso.
"Magaran karo Sababta dhabta ah ee uu Isbitaalku mudadaas si macno daro ah ugu sii xiran yahay,Madaxda Malayshiyaadkan waanu wada hadalnay waxaanu ka codsanay inay Isbitaalka shaqadiisa fasaxaan,kolay Xaaladu waxay u egtahay maxaad dadka u caawinaysaan balse kama tanaasulayo Shaqada aan bulshada u hayo"ayey tiri Drs,Xaawo Cabdi.
Isbitaalka Xaawo Cabdi ayaa Dhawaan waxaa weeraray Malayshiyaad ka tirsan Ciidanka Xisbul Islaam kuwaas oo ku andacoonaya in laga dilay Sarkaal sare oo Ciidankooda ka tirsan,waxayna taasi keentay in uu Isbitaalka Xaawo Cabdi in mudo ah Xirnaado,Isbitaalkan xiran ayaa maalintii qaabili jiray inkabadan 300 oo ruux oo Haween & Caruur u badan kuwaas oo badankoodu ay kasoo qaxeen Dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka dhacaya Muqdisho.