Warta
Brother dowlad Goboleedka wali lama magacaabin oo waxaa lagu magacaabi doonaa magaalada Nairobi June 18th 2010, kaasoo aad hoos uga jeedo qoraallka aan linkigiisa hoos kuugo soo gudbiyey.
dhamaan Beelaha dagan Hiiraan sida, Xawaadle Cade, Jajeele, Gaal Jecel, Makane, Shiiqaal, Dir, Baadicade, Ujeejeen, Reer Aw Xassan, Jidle, Yaxar, iyo Carab ayaa waxaa eey iskugu tagayaan Shirweyne magaalada Nairobi maalinka kor kuxusan taasoo ku beegan Sanad ka hor maalintii lagu qarxiyey B/weyne Duqoow, Saraakiil, Wasiirka Omar Xashi iyo Ambasador.
waxaan ka rajeynaa in guul uu ku dhamaan doono doorashadda Reer Hiiraan State kuwaasoo mideeyn doono dhamaan walaalaha Hiiraan State.
sidoo kale Wararka ku saabsan in la doortey Madaxweyne la yiraah Muqtar oo Hiiraanland wax la yiraah wax ka jiraa ma jirto oo masawiradda waa Aroos dhacey 2007-kii walaahi waxaas iyo foolxumadaas ayaa ugu wacan in Websiteydda qaarkood aan la aamini karin qoraaladooda.
Waa kan ee arag Arooskaas iyo qoraalkaas beenta ah ee lasoo galshey websiteyadda.
fadlan fiiri linkiga hoosa.
http://hiiraannet.com/Warar2010/May./wa ... -2010.html
Hiiraan: War murtiyeed ka soo baxay shirkii uruka G55 ee London 14-18 Mai 2010
Shirkii uruka Hiiraan Diaspora Develoment Alliance ee London 14-18 Mai 2010
Dadaal dheer oo ku wajahnaa mideynta iyo wax wada qabsiga walaalaha hiiraan oo ay sanadihii ugu dambeeyay ku hawlanaayeen qurbajoogta Beesha Xawaadle ee adduunka, ayaa waxaa lagu dhisay shirweynihii qurba joogta beeshu ku yeelatay magaalada Stockholm sannadkii 2009 bishii Agost urur la magac baxay Hiiraan Diaspora Development Alliance. Kaasoo ay xubno ka yihiin 55 xubnood oo ka kala yimid dhammaan qaaradaha adduunka.
Ururkan oo ujeedada loo aas-aasay ahayd sidii loosoo noolayn lahaa xiriirkii taariikhiga ahaa ee reer hiiraan oo waayahan dambe hoos u dhacay, isla markaana meesha looga saari lahaa wax alla waxii tuhun ah oo walaalaha soo kala dhex galay, si ay u buuxiyaan ayagoo wada jira kaalintii ay qaranimada Soomaaliyeed ku lahaan jireen. Sidoo kale waxaa ururkan loo xilsaaray inuu ka soo baaraan degaan; qaabka ugu habboon oo loo heli karo maamul reer Hiiraan oo ku dhisan caddaalad. Qaabka ugu habboon oo loo abuuri karo jawi nabdoon oo lagu badbaadin karo bulsho weynta reer Hiiraan, looguna abuuri karo nolol iyo kalsooni dhexmarta.
Ururku asagoo ka amba qaadaya ujeedooyinkii loo abuuray waxuu kulamo badan ka dib qabsaday shirweynihii ka dhacay London 14 – 18 Majo 2010, kaasoo logu soo bandhigay talooyin iyo xog urursi intaba. Shirweynahaas waxaa looga dooday sidii loo mideyn lahaa reer Hiiraan ayna u wadda samaysan lahaayeen maamul ay dhammaantood ka wada qayb galaan oo caddaalad ku dhisan. Dood dheer ka dib waxaa la isla gartay:
Go’aamadii shirka
1. In ururka HDDA ay baaq u diraan dhammaan reer Hiiraan ayna ugu baaqaan in ay samaystaan Dawlad- Goboleed, ayagoo isla gartay in laga bilaabo 18/05/2010 uu ururka HDDA uu noqdo kan u gogol xaara Dawlad-goboleed ka curta Gobolka Hiiraan.
2. In ururka Hiiraan Diaspora Development Alliance oo kaashanay beesha Xawaadle ay gogol Nairobi u dhigaan bahweynta reer Hiiraan gogoshaana ay uga tashtaan sidii loo dhisi lahaa dawladgoboleed reer hiiraan yeeshaan.
3. In sida ugu dhaqsaha badan loo xulo guddi farsamo oo reer hiiraan oo soo qaabeeya qaabka ugu habboon iyo goorta shirku la qabanayo, si dhaqsaana loogu soo gudbiyo reer hiiraan si ay ugu diyaar garoobaan.
4. In ka hor 18/06/2010 ay gudiga farsamadu soo ban dhigaan warbixin buuxda oo ku aadan dhismaha dawladgoboleedka Hiiraan iyo qaabka loo sugi karo amniga gobolka.
5. In gudoomiye kuxigeenka koowaad iyo xubnaha G55 ee Nairobi ay bilaabaan abaabulidda bulshada reer Hiiraan ee ku nool Nairobi.
6. In gudoomiyaha ururka HDDA iyo guddi uu hogaaminayo si dhaqso ah u tagaan Nairobi si ay ula kulmaan waxgaradka reer Hiiraan iyo cid kasta oo aan talada looga maarmin.
Baaq.
1. Waxuu ururku ugu baaqayaa walaalaha qurbajoogta reer Hiiraan in ay is abaabulaan iskana kaashadaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen taaba gelinta soocelinta nabad kuwada noolaanshaha reer Hiiraan.
2. Ururku waxuu ugu baaqayaa jaaliyadaha dibadda ee reer Hiiraan in ay gacan ka geystaan qabsoomidda shirweynaha reer hiiraan ee dhammaan lagu qaban doono Nairobi.
3. Ururku waxuu ugu baaqayaa waxgaradka, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, cuqaasha, ugaasyada, wabarada, iimaanada, haweenka, ganacsatada iyo dhalinyarada ku abtirsada Gobolka Hiiraan in ay kasoo qayb galaan kulankan si ay gacan uga geystaan sidii nabad loogusoo dabaali lahaa gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya, ayna gacan ku siiyaan dadaalka HDDA ugu jirto abuuridda maamul ka curta gobolka Hiiraan.
4. Ururku waxuu baaq codsi u dirayaa ururada siyaasadeed, dawladda, ururo diimeedyada iyo caalamkaba in ay gacan ka geystaan hirgelinta himilada nabadeynta Gobolka Hiiraan oo ay u gogol xaarayaan ururka HDDA.
5. Ururku waxuu sidoo kale ugu baaqayaa dhammaan aqoonyahannada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan sidii loo abaabuli lahaa maamul goboleedyo ku salaysan awoodqaybsi dadka degaanka wadaaga, istixgelin iyo wax wada qabsi, taasoo aan u aragno in ay tahay tan kaliya oo lagu soo celin karo amniga iyo qannimadii soomaaliyeed.
Hadafka HDDA waa baadi goobka qaranimadii soomaaliyeed, ayagoo ka bilaabaya sidii lagu heli lahaa midnimada reer Hiiraan iyo sidii ay u wada dhisan lahaayeen maamul ay raali isaga yihiin oo caddaalad ku dhisan.
Guul, nabad iyo midnimo.
Wa bilaahi towfiiq
Afhayeenka ururka HDDA
Muxudiin Cumar Cabdi