Ciidamo katirsan Dowlada KMG ah oo gaaray magaalooyin katirsan gobalada Hiiraan Gedo iyo Jubbada Hoose.
Ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka KMG Somaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaarayay gobalada dalka Somaliya oo ay maamulaan xoogaga Islaamiyiinta ee kasoo horjeedo dowlada KMG ah.
Wararka nagasoo gaaraya gobalada dalka ayaa xaqiijinaya in saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada KMG ah ayaa iska dhiibeen gobalada Gedo,Hiiraan iyo Jubbada Hoose oo ay maamulaan xoogaga Islaamiyiinta ah.
Sedax Sarkaal oo katirsanaa Ciidanka Dowladda ee Tababarku uu uga socdo deegaanka Feer Feer ayaa shalay iska dhiibay magaalada B/weyne oo ay wada maamulaan Xisbul Islaam iyo Al Shabaab.
Fagaara ku yaal magaalaa B/weyne ayaa lagusoo bandhigay Saraakiishan soo baxsatay oo sheegay in ay u adkaysan waayeen cadaadis ugua yimid dhanka Itoobiya kaasi oo ahaa in uu hogaamiyo dagaal ay ciidanka Dowladda ee Feer Feer ku sugan ay kusoo qaadaan magaalada B/weyne.
Col.c/laahi alfifow keynaan oo kamid ahaa saraakiishii is dhiibtay oo hadlay ayaa sheegay in uu ka Towbad keenay lashaqayntii Itoobiya islamarkaana uu diyaar u yahay in uu si nabad ula noolaado shacabka.
dhinaca kale kale ciidan katirsan Dowlada KMG ah oo bilihii lasoo dhaafay Tababaro uga socdeen gudaha Kenya ayaa shalay soo gaaray magaalada B/weyne xaawo gobalka Gedo sida uu saxaafadda u xaqiijiyay Sheekh daa’uud Gaarane oo ah gudoomiyaha B/xawo.
Ciidankan B/xaawo gaaray oo ka koobnaa 4 Askari ayaa soo maray safar dheer waxayna sheegeen in ay kasoo horjeesteen dagaallo lagusoo qaado gobalada Jubbooyinka iyo gedo.
Sidoo kale degmada Dhoobleey waxaa gaaray Sarkaal katirsanaa Ciidanka Kenya Tababarada lagusoo siiyay, sarkaalkan oo lagu magacaabo Farxaan ayaa sheegay in dhibaato dhanka Nolosha ah ay kala kulmeen saraakiil Kenya.
Xoogaga Islaamiyiinta ah ee maamulada gobalada Koonfurta Somaliya ayaa sheegay in ay saamaxayaan Cid walba oo hubka is dhigta kadibna si nabad gelyo ah ula noolaato qoyskeeda, ciidanka dowlada KMG ah ee usoo firxanaya dhanka Mucaaradka ayaa kusoo aadaya xilli ay kala daadsantahay Dowladda KMG ah.
Daahir Guuleed
Muqdisho, Somalia
http://www.allgedo.com/2010/05/29/ciida ... ada-hoose/