1 06 2010
Xoogagga Ahlu-sunna Wal-jamaaca al-mujahidiin ayaa saakay weerar ku qaaday khawaarij isbaaro dhigatay inta u dhaxaysa Mareergur iyo Gadoon
Muqawamada Mujahidiinta Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa weerar ballaan ku qaaday Khawaarijta halkaas oo isla markiiba isaga carareen waxaana laga laayey Maleeshiyaad badan.
Ciidamada mujahidiinta Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa ilaa iyo imminka sii baacsanaya Maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana la soo sheegayaa in ay Baqtiyo badan Waddooyinka uga carareen.
Maleeshiyaadka laga laayey oo aad u badan ayaanan weli helin inta ay yihiin iyadoo hub iyo gawaariba laga qabsadey.
Waxaan ku mashquulsanahay in aan Akhriste-yaasha yada u soo gudbino faahfaahinta dagaalkaas.
Wararka yaga dambe kala soco faahfaahinta warkaas alle idinki.
Xafiiska War-qabadka Ee Mustaqiim
Dhuusamareeb, Galguduud, Soomaaliya,
E-mail: mustaqiimcom@hotmail.com
_______
Ahlusunnah al mujahidiin iyo Alshabaab al murtaddiin oo Isku Fara Saaray Gobolka Galgaduud
waxaa la daabacay Tue 01 Jun 2010 09: 05: 58
Wararka ka imaanaya Gobolada dhexe ayaa sheegaya inuu hada dagaal qaraar uu ka soconaayo halka lagu magacaabo Gadoon oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalkaasi uu yahay mid u dhaxeeya Ciidamada mujahidiinta Ahlu sunna Waljameeca iyo kuwa murtaddiinta Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa markii hore waxa uu ka bilowday halka lagu magacaabo Mareergur oo ka tirsan Degmada Dhuusa-Mareeb, halkaasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Al-Shabaab, balse daqiiqado kadib laga saaray halkaasi.
Tuulada Gadoon oo qiyaastii 40-km dhinaca bari kaga beegan magaalada Dhuusa-Mareeb ee G/Galgaduud ayaa hada waxaa ka soconaaya dagaal aad u qaraar, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanaayaan Hub culus.
Dagaalka ayaa iminka soconaaya, iyadoo la soo sheegayo in dagaalkaasi uu yahay mid laga maqlaayo deegaano dhowr ah oo ka mid ah Gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna inay iyagu ku guulaysteen dagaalka, islamarkaana ay halkaasi ku d bakhtiyeen Ciidamo fara badan oo qawaarijta Al-Shabaabul murtaddeen ah.




Think not of those who are slain in Allah's way as dead. Nay, they live, finding their sustenance in the presence of their Lord




