Is this true, and what is the reason behind it?
_______________
Afhayeenka Al-Shabaab Cali dheere ayaa wuxuu Shirkadaha ka hoowlgala gudaha Somalia gaar ahaan Xawaaladaha uga digay inay sii joogteeyaan xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya telefishinka Universal.
"Shirkadaha Xawaaladaha waxaan ku amreeynaa inay jaraan calaaqaadka ganacsi ee kala dhaxeeya Universal TV oo la xaqiijiyay inay Yahuud leedahay"ayuu yiri Cali dheere oo dhinaca kale xusay in Shirkadii ka dhega adeegto amarkooda ay la xukun noqon doonaan Universal TV.
Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa hore u amray in la xiro Xafiisyadda Universal Tv ee Somalia waxayna taas qasabtay inay shaqada iskaga tagaan Wariyeyaashii ka hoowlgelayay telefishinka cabsi darteed.
Telefishinka Universal wuxuu baahiyay war iyo sawir gacmeed lagu aflagaadeeyay Rasuulkeena Sharafta badan ee Muxamad NNKH ,waxaana ka dhiidhiyay Muslimiinta dunida gaar ahaan bulshada ku hadasha afka Somaliga.
Milkiilaha Universal Ahmadey Abubakar ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay gefka ka dhacay telefishinkooda hasse yeeshee wuxuu cudur daarkiisa noqday mid aan lagu beegin xilli Munaasaba,waxaana dad badan ka sii careeysiisay Wareysi uu siiyay BBC Somali kuna sheegay inay ku saxsanaayeen baahinta Sawir gacmeedkii Rasuulkeena Muxamad loogu gefay.
Agaasimaha Somalia ee Universal TV ayaa war uu Saxaafadda siiyay wuxuu ku sheegay in telefishinka ay kirada Seatherletka ka bixiso dowladda Isreal.
Hadalka Jeekeey wuxuu yahay mid culus oo abuuri kara dareen cusub maadama uusan waanagsaneyn calaaqaadka Yahuuda iyo Muslimiinta.
http://www.hobyonet.com/detal1.php?idn=724