Caasha Cabdalla”Faroole waa Kaligiis Talis [Dhegayso]
June 14, 2010
By Admin
Caasha Ahmed Cabdalla oo ah Xildhibanaad Cod dheer oo ka soo Jeedan deeganada Maakhir ayaa dhaliishay Xukuumada Pl, Caasho oo Waraysi Siisay Warbaahinta ayaa eedaysay Xukuumada Faroole Kuna Tilmaantay mid Kaligeed Talis ah oo aanay Go’aan Gaadhi Karin dadku iyo Wasiiraduba.
“Faroole isaga ayaa Meesha Maamula waana Kaligiis Talis xitaa Madaxwayne Xigeenka ma Talin karo, Wasiirada waa dad Qool Igu Jira Madaxwaynaha Pl Dhawor Jeer ayaa arimo Loola Tegay waxa in badan dhacday in dadk ay Arimo ula Tegeen isla markaana Loogu Jawaabay Madaxwanaha ha Yimaado Xitaa Ku Xigeenka waa Nin Qool ku Jira”Ayay Tiri Caasha Cabdalla
Caasha Cabdalla ayaa Amaantay Odayaasha PL oo ay ku Tilmaantay dad Nabad jecel oo Intaasi ilaalinaya Jiritaanka Pl, Odayaasha PL
“Ninka Isaaqa ah ee Leh Deegaanka ayaan Leeyahay Miyaanu ahayn Nin Duulaan Doonaya War waxaasi wax la qaadan Karo Togdheer iyo Burco is Raacayaan hadii Ceerigaabo iyo Sool is Raacayaan dhib Maha Laakiin Khasab Looma Baahna, Somaliland oo Meel aan Laga Ictiraafin anaga Na Jaah wareerimaayaan”ayay Tiri Caasha Cabdalla
Caasha Axmed Cabdalla ayaa xusay inay iyadu xidhiidh Fiican la Leedahay Qaar ka mid ah Wasiirada balse aanay Hogaanka Sare Isku Fiicnayn, waxay sheegtay Murwo Caasho inay ku Guulaysan waayeen xoojinta Amaanka iyo Isu soo dhawaanshaha Bulshada deegaanka oo ay ku Tilmaantay inay Xukuumada Faroole Qori dable dhex dhigtay
Caasha Cabdalla ayaa ka mid ah Xildhibaanada Somaliya kuwa Igu Codka dheer waxana ay inta badan ka hadashaa Arimaha Liicinaya Hanaanka Maamul ee Somaliya iyo Guud ahaan Maamulada Dalka
Waraysi Halkan ka Dhegeyso Wareysiga Caasha Axmed Cabdalle
Galgalanews