Culimada Soomaaliyeed iyo odayaasha dhaqanka oo ka digay dagaalka uu ku baaqay Xasan Daahir.
Tuesday, 15 June 2010 05:41 Read : 137 times
Culumada Soomaaliyeed iyo odayaasha dhaqanka ayaa ka digay dagaal Fitno ah oo uu ku baaqay horjoogaha Kooxda Xisbul-Islaam la baxday Xasan Daahir Aweys.
Sh Cumar Faaruuq oo ka mid ah culumada ugu caansan Soomaaliya ayaa sheegay in hadalka Xasan Daahir uu ka hadlay uu yahay mid aan diinta waafaqsaneyn, haddana ka soo horjeeda nolosha iyo nabadda Soomaaliya.
Halkaan ka dhegeyso Wareysiga Sh. Cumar Faaruuq.
Wuxuu sheegay Sh Cumar in Aayadaha uu daliilinayo Xasan ay yihiin kuwo saxan balse uu u adeegsanayo si qaldan oo aan sax ahayn, isagoo dagaal waqtigaan ka dhaca Soomaaliya ku tilmaamay “Fitno” ciddii ku dhimata ay halis ku jirto maalinta Qiyaamaha.
Sheeka ayaa si weyn uga soo horjeestay in dagaalka uu Xasan ku baaqay uu yahay Jihaad, wuxuuna sheegay in koox gaar ah aysan xaq u lahayn hogaaminta Jihaad, ayadoo waddanka ay ku sugan yihiin Culumo Soomaaliyeed, wax garad iyo Dowladda KMG ah oo Islaami ah.
Dhinaca kale Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo xalay wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa Xasan Daahir ugu baaqay in ay ka towbad keeno hadalka ka soo yeeray ee ah dagaal Iclaaminta.
Wuxuu sheegay Nabadoonku in Xasan uu ku qaldan yahay in uu Soomaali waqtigaan dagaal u hogaamiyo, isagoo sheegay in uu Alle dambi uga galay hadalkiisa ku aaddan in Jihaad lala Galo Dowladda KMG ee Soomaaliya, kaas oo aan waqtigaan meesha ku jirin sida ay Culumadu Sheegeen.
Xasan Daahir Aweys ayaa shalay Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dagaal uu waajib diini ah ku tilmaamay ay la galaan dowladda KMG ee Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah hadal handadaad u eg ugu jeediyay shirkiisa Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ku amray in ay taageeraan dagaalkaasi.
Mujrim Aweys is getting fatter from xaaran food and drinking blood, while his call for ''jihaad'' makes this child suffering: