Moderators: Moderators, Junior Moderators
Say Wallahiwalahi
Mar haddii aad ka soo qaaddeen in "Haa iyo Maya" ay noqdeen ereyada loogu isticmaalka badan yahay Afkeena Soomaaliyeed; miyaanay haboonnaan lahayn, sidoo kale, in la isweydiiyo Ereyga loogu addeegsiga yaryahay isla Afkeena Qaaliga ah? Laakiin bal aan u kaadiyo maadaamo oo dad badani weli aysan ka warcelin weydiimahan hadda ina horyaalla ee la xirirra ereyga loogu adeegsiga ogyahay Af Soomaaliga.
Aniga ahaan waxay iigu muuqataa Ereyada rasmiga ah ee dadku ay ku hadlaani waa badan yihiin; ereyga iyo adeegsigiisuna wuxuu ku sidkan yahay hadba sida uu u tebin karo fariinta loo golleeyahay markaasi. Waxaa taasi la mid ah adeegsiga Ereyada suuqiga ah ee laga helo Afkeena. Gundhiga hadalkaygu wuxuu yahay: Ma jiro hal Erey oo la isku waafaqsan yahay in uu buuxin karro kaallinta ah: Ereyga Loogu Adeegsiga badan Yahay."
Return to “General - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 98 guests