Postby Casri55 » Mon Jul 26, 2010 11:45 am
Ciidamo Taabacsan Shiikh Atam oo Weerar Ku Qaadey Goob Ay Deganaayeen Ciidanka Daraawiishta Puntland
July 26, 201013 comments| leave your own!Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland iyo Maleeshiyaad ka amar qaata wadaadka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaa saaka waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Karin iyo Laag ee gobolka Bari, isla markaana ah meel aan wax badan ka fogeyn magaalada Bosaso.
Iska hor imaadka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka, waxaana weerar gaadmo ah ciidanka Darwaaiishta la beegsadey kooxda ka amarqaadatada Shiikh Attam kuwaas oo xiriir la leh xarakada al-shabaab ee ka dhisan Koonfurta Soomaaliya.
Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay ayaa waxaa ku dhintey dagaalka saddex askari iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale,waxaana dhamaantood lasoo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaaladda Bosaaso. Khasaaraha gaaray maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa ah mid aan la ogeyn.
Saraakiisha Booliska oo aan xirriro kala duwan la samaynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan iska horimaadka oo faahfaahin ka bixinin.
Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin jidka laamiga ah dhinaceeda ku aasayey walxa qarxa saaka gudaha magaaladda Bosaaso.
Goobta uu ninkaas ku aasayay walxa qarxa ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka Masjidka Faadumo ee wadada laamiga,waxaana la dhigay xabsiga iyadoo laamaha amniga ay baaritaan ku wadaan isla markaana aan wax faahfaahin ka bixinin.
Wadada laamiga ayaa waxaa xilligaas maraayay ciidan gurmad ah oo kusii jeeday halka uu iska horimaadka ka dhacay.
Xaaladda Gobolka Bari ayaa u muuqata mid aad u kacsan, oo xaalad dagaal ah ciidamada ka amarqaata wadaadka Shiikh Maxamed Siciid Attam ee xiriirka la leh al-Shabaab oo horey loo aaminsanaa in ay Bosaso ka fuliyaan weeraro gaadmo ah ayaa hadda u beddalay hawlgaladoodi weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ay tani muujineysaa awoodda ay ku leeyihiin Buuraha ku gadaaman Magaalada Bosaso.
Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu sheegay in al-shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Puntland isla markaana ay isku urursadeen buuraha Gobolka Bari, waxaa dhan walba ka jira ciidankeena, dhawaana dagaal ayaan ku qaadeynaa ayuu yiri Faroole mar uu la hadlaayey warbaahinta, inkasta oo dagaalkii iyo gacanqaadkii ay la hormareen, malayshiyadii isku urursatey buuraha gobolka Bari ee uu hoggaamiyo Shiikh Attam.
Horseed Media