ugu sareeyay maleeshiyada PIS-ta ee deegaanka Galgala oo dagaal lagu dilay iyo madaxii caafimaadka ciidanka Faroole oo isna la dilay.
Saturday, 14 August 2010 07:48 administrator Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo shalay oo idil ka socday hareeraha degmada Galgala ee gobalka Bari kuwaasi oo khasaara dhaliyey.
Shabakadda Islaamiga SomaliMeMo ayaa faah faahin buuxda ka heshay qaabkii uu u dhacay dagaalkii shalay oo dhan ka socda Madar_shoor iyo khasaarahii ka dhashay.
Saraakiil katirsan Xoogaga Degaanka Galgala ee dagaalka kala soo horjeeda maamulka Ashahaado la diriirka ah ee Faroole ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in dagaalkii shalay dhacay uu Khasaara Naf,Maal,Meydaani iyo Mooral ah dhaxalsiiyay Maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka ee Faroole Hogaamiyo.
Inta la ogyahay 18 Maleeshiyaad ah ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Hareeraha degmada Galgala waxaana jira dhaawacyo 50 kor u dhaafay oo ka dhaacwamay PIS-ta Puntland.
Saraakiishan SomaliMeMo la hadlay ayaa waxay xaqiijiyeen in toogasho lagu dilay Taliyihii PIS-ta Puntland ay dhawaan u magacaawday Galgala iyo Dhaqtarkii guud ee Ciidanka waxa loogu yeero Puntland.
Dhaqtarka dhintay ayaa waxaa lagu dilay Teendho Isbitaal loo ekaysiiyey oo maleeshiyada Faroole ka samaysteen duleedka Galgala waxaana halkaasi weerar kedis ah ku qaaday Xoogaga Deegaanka Galgala.
Wadada Isku xirta Boosaaso iyo Garowe ayaa qarka u saaran in ay ku xiranto dagaalada weli kasii socda dhulka Buuralayda ah.
Xoogaga u dagaalamaya sidii ay deegaankooda ugu dhaqi la haayeen shareecada Islaamka ayaa helay hub farabadan oo ay kamid yihiin Dhashiikayaal iyo BKM-yo farabadan.
Gaadiid Dagaal ayaa laga gubay Ciidanka Faroole waxaana saaka lasoo sheegayaa xaalad deganaan ah, xoogaga deegaankooda difaacanaya ayaa bilaabay in ay qaadaan Weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.
Weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah ayaa ah kuwa ugu khasaaraha yar xoogaga Mujaahidiin ugu khasaara iyo dhib badan kuwa awoodda is biday ee shacabka Muslimiinta ah kusoo duulay.
Hadaladii qaras katuurka ahaa oo ay Saraakiisha Maamulak Faroole ka jeedinayeen Warbaahinta ayaa yaraaday kadib markii ay shacabka Puntland Indhahooda ku arkeen awoodda shacabka deegaanka Galgala iyo daciifnimada PIS-ta shareeca diidka ah.




