Taliyihii Ciidanka Daraawiishta oo iscasilay iyo Madaxweynaha oo ka Fikiraya sida laga yeelayo dagaalada Galgala.
Print here| By: allgedo.com: Sunday, August 22, 2010
Xilli ay weli xiisada colaadeed ka taaganyihiin Buuralayda Gobalka Bari ayay ciidanka Puntland ku fashilmeen dagaaladii cuslaa oo ay lagaleen dadka deegaanka Galgala.
Sarkaalkii ugu sareeyay ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa ku dhawaaqay Isacasilaad kadib markii ay u suura geli weysay in uu soo Afjaro dagaalka ka dhanka ah kooxaha Mucaaradsan maamulkaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in uu Xilkii Taliyanimo iska casilay Col.Saciid Cabdi Faarax oo (Tuutaweyne) ku magac dheeraa,Taliyaha oo maalinimadii Jimcaha lagu weeraray Saldhig ay ciidanku ku leeyihiin duleedka Galgala ayaa xalay si lama filaan ah ugaaray Garowe wuxuuna madaxweynaha gacanta ka geliyay warqad iscasilaad ah.
Guuxa shacabka magaalada Garowe ayaa ah sababta keentay in uu Tuuta-weyne Iscasilo waxayna dadka Intiisa badan sheegayaan in dagaalkii Galgala uu dhaliyay fashil dhanka ciidanka ah iyo mid siyaasadeedba.
Madaxweyne Faroole ayaan weli ka hadlin Iscasilaada Taliyaha iyo halka ay marayaan Howlgaladii ay Puntland ka waday Buuralayda Galgala, Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa PIS-ta loo yaqaan ayaa ah awoodda kaliya oo ay Puntland ku faanto.
Xoogaga qaab beeleedka u abaabulan ee uu Atam hogaamiyo ayaa dhawaan sheegay in ay ka adkaan doonaan ciidamada Maamulka Faroole balse weli ma muuqatay cid dagaalada ku adkaatay.
Daahir Guuleed
Muqdisho, Somalia




