Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Amirsade
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1176
Joined: Wed Jan 14, 2009 6:47 am
Location: Villa Ruugcadagii kala Rogaha Raasmaalka

BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale

Postby Amirsade » Tue Aug 24, 2010 12:27 am

Anooga ah Beel degaan ahaan ku nool Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale, ahna dad walaalo ah oo wada dhashay, Markii aan aragnay xaalada uu ku sugan yahay wadankeenii Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka aan degaan ahaan ku nool nahay oo aan la kulanay dhacdooyin badan oo Aakhiro iyo Aduunba saameyn nagu leh xag Diin ahaaneed iyo xag dhaqanba, ayna lama huraan tahay in tilaabo kasta oo Aduunkaan kaa hortimaada loo celiyo Diinteena xaniifka ah markasta iyo meelkastaba.

Anaga oo dhowrayna waajibaadka iyo xuquuqda uu Allaah (SWT) nasaaray, kana dheeraanayna in aan Aduunkaan cid ku dulmino ama ay nagu dulmiso, Wadatashi dheer oo ay yeesheen Nabadoonada, Odoyaasha, Culumada, Caaqilada, Aqoonyahanada Haweenka iyo Dhalinyarta Beesha ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka dib waxaan kala saxiixanay:
In arrinkasta ama dhacdo kasta oo nagu timaada aan ku meel marino sida Diinteena Islaamka ee xaniif ka ahi na farayso in loo meelmariyo, sababtoo ah taasi waxay nasiinaysaa in aan helno raali ahaanshaha Allaah (SWT) Aakhiro iyo Aduunba.

Hadaba waxaan ogeysiinaynaa dhamaan dadka Muslimiinta ah gaar ahaana shacabka Soomaaliyeed ee aan ku walaalownay Muslimnimada iyo degaankaba in dhacdo kasta oo xageena ka timaada ama xagooda nooga timaada (Dhimasho, Dhiig, Dhaawac iyo Dhib kaleba) aan ku meelmarinayno sida shareecada Islaamku farayso, Allaah (SWT) waxa uu ku leeyahay Quraankiisa:





(وكتبنا عليهم فيها أنّ النّفس بالنّفس والعين بالعين والأنف بالأنف والأذن بالأذن والسنّ بالسنّ والجروح قصاص فمن تصدق به فهو كفّارة له ومن لم يحكم بما أنزل الله فأولآئك هم الظّالمون)، سورة المائدة، الآية: [45].





قال الله تعالى: "فاحكم بينهم بما أنزل الله ولا تتّبع أهوائهم عمّا جاءك من الحق لكلّ جعلنا منكم شرعة ومنهاجاً" .... سورة المائدة، من الآية: [48].
وقال تعالى: "وما اختلفتم فيه من شيء فحكمه إلى الله" .... سورة الشورى، من الآية: [10].




Aayadaas Hore oo micnaheedu yahay ( Waxaan ku waajib yeelnay dadkii in naf naf loo gooyo ama loo dilo, ilna il loo rido, sanna san loo gooyo, dhegna dheg loo jaro, carrabna carrab loo gooyo, dhaawacyadana lakala aargoosto, Qofkii sadaqaysta oo iska dhaafana ay danbi dhaaf u tahay, Qofkii aan Alle (sw) wuxuu dejiyey wax ku xukumina waa Daalim).

Fulinta iyo meelmarinta go'aankaas wuxuu qabanayaa qof kasta oo u dhashay beeshaas meel kastaba aduunka haka joogee ama dhibka isagu hageysto ama haloogeystee, wuxuuna dhaqan galinta heshiiskaas bilaamayaa marka ugu horeysa ee la faafiyo lana ogeysiiyo dadka hadba sidii suuro gal ah in lagu ogeysiiyo, waxaa saxiixay meel marinta go'aankaas Nabadoonada, Culumada, Caaqilada, Aqoonyahanada Haweenka iyo dhalinyarada beeshaas ee xoos ku xusan:

1- Nabadoon Odowaa Xirsi Ciye.
2- Nabadoon Xuseen Faarax Maxamuud.
3- Nabadoon Birmad Cigaal Ciye.
4- Nabadoon Odowaa Xaashi Warsame.
5- Nabadoon Xassan Faarax Ciye.
6- Nabadoon Jaamac Cigaal Ciye.
7- Nabadoon Sheekh C/risaaq Xuseen Faarax Seed.
8- Caaqil Cilmi Siyaad Ciye.
9- Caaqil Cabdi Maxamuud Cigaal.
10- Caaqil Cabdi Faarax Maxamuud (Jabbiin).
11- Caaqil Cumar Diiriye Cigaal.
12- Caaqil Cabdi Diiriye Cigaal (Abuu Ciisa).
13- Caaqil Bicir Maxamuud Cigaal.
14- Dr Sheekh Cabdicaziiz Cabdi faarax.
15- Sheekh Shariif Siyaad Ciye.
16- Sheekh Saciid Birmad Cigaal Ciye.
17- Sheekh Axmed Maxamed faarah.
18- Sheekh Cabdixakiin Xuseen Faarax Seed.
19- Sheekh Cisman Diiriye Cigaal.
20- Sheekh Cabdullaahi Birmad Cigaal.
21- C/weli Maxamud Maxamed.
22- Mahad Axmed Nuur.
23- Xabiib Birmad Cigaal.
24- Deeqo Siyaad Ciye.
25- Ismahaan Maxamed Diiriye.
26- Sahro Xuseen Faarax Seed.
27- Aamino Maxamuud Cigaal Ciye.
28- Falis Cumar Xaashi.
29- Baarliin Axmednuur Faarax Seed.

Anagoo somalinetters ah waxaanu leehanahay inaan Hiil iyo hoob niila garabtaaganahey beesha sadoow marhadaad shareecada allaah (swt) qaadateen,
Waa beel Geesiyad ah maadaama Qabuura Galeenkii dhexdooda ayaga oo jooga ay ku dhawaaqeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka. wa billaahi towfiiq.

User avatar
guhad122
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4958
Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!

Re: BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale

Postby guhad122 » Tue Aug 24, 2010 12:37 am

Beeshu ma hal qoys baa "Ciye" badanaa?

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32036
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale

Postby Khalid Ali » Tue Aug 24, 2010 12:44 am

Beeshu ma hal qoys baa "Ciye" badanaa?
:lol: :lol: :lol:

User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: BAAQ: Ka socda Caabudwaaq iyo Balanbale

Postby new-york24 » Tue Aug 24, 2010 12:50 am

Waan niman moqif leh :up: moryaanimo hadeey noqoto ama diinta in loo gargaaro waa niman dhinac kasoo wada jeesto.Unlike some people we know who are loosers all around aan hal mooqif laheen sida arigana is dhex yaaca.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 95 guests