Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 33-qof lagu dilay weerar ay sheegatay Shabaab
Talaado, August 24, 2010 (HOL) − Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 33-qof oo ay ku jiraan lix xildhibaan ay ku dhinteen weerar ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Xarrakatul Shabaab oo lagu qaaday maanta Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
"Weerarkan waxaana ku dhintay 33-qof oo ay ku jiraan labadii qof ee ismiidaaminta sameeyay," ayuu yiri Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda DKMG ah Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), isagoo intaas ku daray: "
Waxay kala ahaayeen 21-shacab ah, laba sarkaal, laba shaqalaha rayidka dowlada, lix xildhibaan iyo labadii qof ee weerarka ka dambeeyay."
Hotel Muna oo uu weerarkan ka dhacay ayaa ku yaala meel ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana sheegtay Shabaab, iyadoo xubnaha fuliay soo xirtay dhar cusub oo loo sameeyay ciidamada booliiska Soomaaliya.
Xildhibaannada ku dhintay weerarkaas ayaa waxaa ka mid ahaa: Xildhibaan Buulle Xasan Macalin, Xildhibaan Sheekh Axmed Buraalle, xildhibaan Maxamuud Gacmeey iyo saddex kale oo aanay noo suurogelin inaan helno magacyadooda.
Sidoo kale weerarkaan waxaa ku dhaawacmay 20-qof oo kale, kuwaasoo uu ku jiro hal mudane, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, waxaana dhaawacyadaas la geeyay Isbitaalada Muqdisho.
"Kooxaha weerarka geystay waxay ahaayeen rasaas ku fureen dadkii iyo xubnihii daganaa hoteelka, wayna isqarxiyeen markii ay rasaastu ka dhamaatay," ayuu yiri Prof. Ibbi oo sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif uu tacsi u dirayo ehelladii iyo dadkii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay weerarkaas.
Wasiirka warfaafinta Inj. C/raxmaan Yariisow oo isaguna goobta ka hadlay ayaa yiri: "Weerarkaan waa mid axmaqnimo ah oo ku tusaya sida ay kooxaha dowaldda kasoo horjeeda ugu naxayn shacabka Soomaaliyeed."
Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isaguna ka hadlay weerarkaas ayaa sheegay inuu ahaa weerar argagaxiso oo lagu qaaday Hotel Muna, halkaasoo ay daganaayeen xildhibaanno iyo dad shacab ah.
Afhayeenka Shabaabul oo ka hadlay weerarkaas ayaa xusay inay iyagu ka dambeeyeen, ayna ku dileen xildhibaanno badan, wuxuuna sheegay in weerarkaan uu ka mid ahaa dagaalkii ay shalay ku baaqeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya