Qof dumar ah oo isku xirtay walxaha qarxa ayaa goor dhaweyd isku qarxiysay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho iyadoo hada la maqlayo dhawaqa rasaas fara badan oo ka dhaceyso banaanka iyo gudaha garoonka.
Qaraxa oo dhacay shan daqiiqo ka hor ayaa waxaa uu ahaa mid laga maqlay dhawaqiisa qeybo badan oo Muqdisho ah, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas u muuqatay in la is weydaarsaday taasoo socotay qadar daqiiqad ah.
Lama oga goobta ay la beegsatay qaraxeeda naagtan is qarxisay sidoo kale waxaanan la ogeyn qasaaraha uu geystay weerarkan ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha Adan Cadde.
Waxaa la qiyaasayaa in ay ka danbeeyaan Al Shabaab oo iyadu maalmahan dagaalo kula jirtay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, taasoo 14-ki bishi hore weerar ismiidaamin ah ku dishay 33 ruux oo ay ku jireen xildhibaano kuwaasi oo degenaa hotelka Madina ee Magaalada Muqdisho.
Wixii kusoo kordho kala soco Midnimo.com.



