DAGAAL XOOGAN OO MARKALE KA QARXAY DEEGAANKA GALGALA EE GOBOLKA BARI
--------------------------------------------------------------------------------
Wararka ka imanaya Deegaanka Galagala ee Gobolka Bari ayaa Wuxuu Sheegaya in markale halkaas uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Deegaanka ee uu Hogaaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam iyo Ciidamada Maamulka Faroole, dagaalkan maanta ayaa Waxaa Guulo ka sheegtay Sheekh Attam.
Sida ay ku warameen dadka deegaanka Galgala Waxaa Markale dagaal ka qarxay duleedka Magaaladda Galgala Waxaana dagaalkas Soo qaaday Sida la sheegay Ciidamada Maamulka Puntland, Waxaana labda dhinac soo kala gaadhay Khaasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sheekh Maxamed Siciid Attam ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in ay dagaalka Maanta ay la galeen Ciidamada Maamulka Faroole Guulo ka gaadhay Islamarkana uu hada jooga meel u muuqata Magaaladda Galagala.
Sidoo Kale Sheekh Maxamed Siciid Attam Wuxuu Sheegay in uu ka xunyaay Caruura yar yar ee gadaal laga soo galiyay dagaalka ee hooyooyinkood ka daba barooranayaan Wuxuuna sidoo kale Sheegay in ay iskaga baxeen dagaalka Ciidamadii Daraawiishta kadib markii ay fahmeen Xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta deegaanka Galgala.
Liibaan C.rashiid Siciid
Liibaan5711@hotmail.com
Laasqoray.NET




