Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa soo galay waqooyiga Soomaaliya G. AwdalPosted by admin on September 14th, 2010
Saylac(Puntlandi.com) ilaa 750n askari oo katirsan ciidanka Itoobiya ayaa soo galey deegaanka Xariira ee Gobolka Awdal, ciidankaan ayaa la cadeeyey iney ku raad jiraan ciidankii la sheegey iney ONLF ka tirsanyihiin ee ka soo degey meel u dhaxeysa Saylac iyo Lughayo.
Dadka deegaanka degmada Xariira ayaa sheegey iney ka cabsi qabaan in dagaal culus meesha ku dhexmaro ciidamada Itoobiya iyo kuwa kasoo degey xeebaha waqooyiga Soomaaliya ee la sheegayo iney kayimaadeen Eritaria kana tirsan yihiin Jabhada ONLF.
Maamulak Soomaaliland ilaa hada wax hadala kama bixin ciidankaan Itoobiyaanka ah ee Soo galey Gobolka Awdal oo lasheegey iney u yimaadeen iney la dagaalamaan ciidanka lasheegey iney kasoo degaan deegaankaan.
Ciidamada kasoo degey deegaankaan ayaa la cadeeyey iney yihiin ugu yaraan labo boqol ilaa sadix boqol oo Soomaali ah, loona badinayo iney yihiin jabhada ONLF oo lagusoo tababarey wadanka Eritaria.
Puntlandi.com





