Page 1 of 1

BREAKING NEWS --- REALLY BAKING IN SOMALIA

Posted: Tue Sep 21, 2010 4:13 am
by djibsomali
FUTO BUUR IS NO MORE!!
GONE!!!!

Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Waxaa daqiiqado ka hor xilkiisii iska casilay ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama'arke, isagoo kaga dhawaaqay iscasilaaddiisa xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya.

"Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya wuxuu warqaddiisii iscasilaadda u gudbiyay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ku dhawaaqay inuu iscasilay" ayuu Enj. C/raxmaan Yariisow u sheegay HOL.

Intii aysan iscasilaaddu ku dhawaaqin Cumar C/rashiid ayaa waxaa kulan muddo saacado ah qaatay uu dhexmaray Madaxweyne Sheekh Shariif, guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra'iisul wasaaraha iscasilay.

Sharma'arke, oo si kooban uga hadlay sababta uu isku casilay ayaa ku sheegay inay tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo xoogeystay iyo xaaladda uu dalku marayo.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cumar C/rashiid ayaa waxaa u dhexeeyay bilihii ugu dambeeyay khilaaf siyaasadeed sababay inay hadallo isku mariyaan warbaahinta, waxaana khilaafkaas uu saameeyay baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlahaa sidii uu labadan ma'suul isugu keeni lahaa, iyadoo hadalkii ugu dambeeyay ee uu jeediyo Sharma'arke uu ku sheegay in dowladdu ay weerari doonto gobollada koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

Warar dheeeraad ah kala soco Hiiraan Online, saacadaha soo socda