Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Big victory today for govt troops in muqdisho

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30305
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Big victory today for govt troops in muqdisho

Postby grandpakhalif » Thu Sep 23, 2010 4:18 pm

Image

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Guulihii ay Ciidamada qalabka sida ka gaareen dagaalladii ay Maanta la galeen Maleeshiyaadka Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Dagaalladii Maanta ka dhacay Degmooyinka Hodon,Wardhiigley,Howlwadaag iyo Boondheere islamarkaasna u dhewxeeyay Ciidamada Dowladda Soom aaliya iyo Maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ah ayaa waxaa gullo la taaban karo ka gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay hogaaminyeen Saraakil ka tirsaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday Fariisimo ay horay ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka Kooxaha Soomaali diidka ah iyadoo qasaare xooggan la gaarsiiyay Maleeshiyaadka kooxahaasi,islamarkaasna ay Ciidamadu hub kala duwan kasoo qabsaden.

Taliyaha Guutada Ilaalada madaxtooyada ee Ciidanka Xoogga dalka ahna Taliyaha Aaagga sadexaad ee Ciidamada Xooga dalka G/Sare Cabdullaahi cali caanood oo isagoo ku sugan aagga hore ee dagaalka kula hadlay Koox weriyeyaal ah oo ka tirsan R/Muqdisho ayaa sheegay inay Ciidamadu guullo wax ku ool ah ka gaareen dagaalladaasi islamarkaasna ay Ciidamadu werar ku qaadeen Fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Kooxda Shabab iyo Xulafadooda,waxa uuna tilmaamay taliyuhu inay Ciidamada qaranka uu ka shahiiday hal askari halka uu dhaawac soo gaaray 2-kale oo ka tirsan Ciidamada isagoo tilmaamay in dhinaca Maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ha ay ka dileen illaa iyo 6-Ruux oo ka tirsan maleeshiyaadkaasi.

Sidoo kale C/Kariim Dhego badan Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo isna la hadlay R/muqdisho isagoo ku sugan Jiidda hore ee dagaalka ayaa hosta ka xariiqay inay Ciidamadu soo furteen Labo qori oo ay Soomaalidu u taqaano Dabjeexa,iyo Afar AK,isagoo intaasi ku daray inay Ciidamadu si rasmi ah u bilaabeen waajibaadkooda islamarkaasna ay dhowaan shacbigu arki doonaan wax ay ku farxaan ,waxa uuna abaanduuluhu ugu yeeray dhammaan shacbiga Soomalaiyeed inay gacan siiyaan Ciidanka Dowladda si wax looga qabto Maleeshiyaadka Kooxaha kasoo horjeeda Qaranimada soomaaliya.

Abaandule dhago badan aya aintaasi ku daray inay ciidamadu sii wadi doonaan dagaallada tan iyo inaty ay kasoo afmeerayaan maleeshiyaadka Kooxaha Shababa iyo Xulafadooda ee dhibaatooyinka ku haya Bulshada Soomaaliyeed.

Saraakisha Ciidamada ayaa sidoo kale Suxufiyiinta kusoo wareejiyay dhammaan aagagii xoogga loga saaray maleeshiyaadka Koxda Shabaab iyo sidoo kale Labo ruux oo meyd ah kuwaasoo ka tirsanaa Kooxda Shaba islamarkaasna naftooda ku waayay dagaalladii maanta,waxaana la arkayay Ciidamnada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Daarta aaden Cadde iyo sidoo kale deegaanno hor leh oo ka tirsan Degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Gobolkani banaadir.

Dhinaca Kale Afheyeenka Ciidamada Nabad Illaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Bariijiye Bahuuko oo ka hadlaya dagaallada ayaa ugu baaqay kooxaha dagaalamaya inay weli haystaan Fursad ay ku badbaadsadaan Naftooda isalamarkaasna loo baahanyahay inay ka daayaan qalalaasaha Caruurta da’da yar oo ay ka keenayaan qaar kamid ah Gobollada dalka Soomaaliya.

Dagaallada ay Maanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku qaadeen Maleeshiyaadka qaranimo diidka ah islamarkaasna ay kula waregeen xarumo faro badan oo horay gacanta ugu jiray maleeshiyaadka Shabaab ayaa u muuqda Howlgallo ay Dowladda Soomaaliyeed uga gol leedahay inay Shacbiga Soomaaliyeed uga saarto dhibaatooyinka iyo handadaadda ay kala kulamayaan maleeshiyaadka Kooxaha Nabad diidka ah oo ay ugu horreyso Kooxda Xiriirk adhow Ururka la leh Alqaacida ee Alshabaab.

Image

Image

dhufaysyadii shabaab ay ka carareen oo ku yaala Degmada Holwadaag :lol:

Image

Abaanduule Dhega badan oo taagan Dhufeysyadii shabaabku ka carareen maanta

Image

Gen:Dhego badan oo hub shabaab laga qabsaday so bandhigay

Image

Image

Image

HUB LAGA FURTAY MALEESHIYAADKA SHABAAB

Image

Image

Image

Hub badaan ay maanta ka saareen Al shabab

Image
Image
Image
Image

Image
Image

User avatar
Basra-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 49034
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: Somewhere far, far, far away from you forumers.

Re: Big victory today for govt troops in muqdisho

Postby Basra- » Thu Sep 23, 2010 4:24 pm

:roll:

xoogSADE14
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14602
Joined: Wed Oct 27, 2004 4:08 pm
Location: Praying for peace in the south.

Re: Big victory today for govt troops in muqdisho

Postby xoogSADE14 » Thu Sep 23, 2010 4:47 pm

Green sandbags= trenches dug by AMISOM/TFG. There was no victory, AMISOM just moved back into positions vacated by TFG forces.

User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Re: Big victory today for govt troops in muqdisho

Postby Enemy_Of_Mad_Mullah » Thu Sep 23, 2010 8:32 pm

Green sandbags= trenches dug by AMISOM/TFG. There was no victory, AMISOM just moved back into positions vacated by TFG forces.
:lol: :lol: :lol: :lol: wallahi all they have left is to lie and take pictures..no shame and honor :down:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 74 guests