








Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa horumar ballaaran ka sameeyay dagaallada labadii maalmood ee la soo dhaafay ka soconayay qeybo ka mid ah degmada Hodon ee gobolka Banaadir, iyagoo la wareegay goobo hor leh oo markii hore gacanta ku hayeen kooxaha dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.
Dagaalka shalay iyo maanta socday ayay ciidammada xoogga dalku ku kula wareegeen goobo ay ka mid yihiin Isgoyska Terbuunka, xaafadda Horseed iyo Xero Ruush, halkaas oo ay ka carareen maleeshiyaadka kooxda Shabaab, oo jab xooggani ka soo gaaray dagaalka.
Saraakiisha hor kacaya ciidammada xoogga ee ku sugan aagagga dagaalka, ayaa sheegay in ay jiraan khasaare laxaaad leh oo ay u geysteen kooxaha Shabaab iyo Xisbul Islaam, oo markii hore dagaal gar darro ah ku soo qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen: Cabdikariim Yuusuf Aadan “Dhega badan” oo maanta war-fidiyeenka kula hadlay jiidda dagaalka ayaa sheegay in ciidammada xoogga dalku adkeyn doonaan ammaanka goobaha lagala wareegay kooxda Shabaab iyo Xisbiga, isagoo intaa ku daray inay jiraan qorshayaal looga hor tagayo in kooxda Shabaab dhibaateyso shacabka ku dhaqan Bakaaraha iyo Nawaaxigiisa.
Sidoo kale Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya dagaalka oo Radio Muqdisho kula hadlay aagga hore ee dagaalka, ayaa tilmaamay in ay guul weyn ka gaareen dagaalka ayna ciidammada dowladda ku wajahan yihiin xaafadda African Village, si ay ula wareegaan.
Goobaale, waxa uu sheegay in meydadka maleeshiyada Shabaab ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaallamay, isagoo intaa raaciyay in ay duugeen ilaa 3 god oo Shabaabku ka qodeen laamiga dhexdiisa kuwaas oo ciidammada dowladdu duugeen.
Wariyayaal ka tirsan Radio Muqdisho oo goobaha dagaalka tagay, ayaa ku warbixinaya in daggaalku ahaa mid aad u xooggan, balse ciidammada dowladda oo niyaddoodu sarreysay ay guulo is daba joog ah ka gaarayeen.




