

Khatuser in crisis

Joojinta Diyaaradihii qaadka ee Koofurta Somaliya oo saameyn culus yeelatay.
Muqdisho: (Sh. M. Network) Talaabada ciidamada Xarakada Al Shabaab ay ku joojiyeen diyaaradihii qaadka keeni jiray Koofurta Soomaaliya ayaa saameyn culus waxaa ay ku yeelatay dad badan oo ka ganacsanayay qaadkaasi, iyo dowladda Kenya.
Kadib markii saacadihii a soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay la wareegeen garoonka diyaarada qaadka ee Lambar 50 ee gobolka Sh/hoose islamarkaana ay si kumeel gaar ah u joojiyeen qaadkii laga soo dajinayay garoonkaasi ayaa arintaasi waxa ay saameyn ku yeelatay dadka ka ganacsatad qaadka ee koofurta iyo qeybo ka mid ah bartamaha dalka Soomaaliya.
Qara ka mid ganacsatada qaadka iibisa oo Shabelle la hadlay ayaa wxaa ay sheegeen in ay saameyn xoogan ku yeelatay talaabada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku hakiyeen qaadkii la keenayay garoonka diyaaradaha ee KM-50 ee gobolka Sh/hoose, maadaama ay sheegeen in ay ka biili jireen qarashaadka ka soo gala qaadka awlaadooda islamarkaana ay ku maareyn jireen nolol maalmeedkooda.
Ganacasatada oo xiligii ay u waramayeen Shabelle ku sugnaa goobihii ay ku gadi jireen qaadka oo ahaa kuwa maran ayaa waxaa ay sheegeen in ay arintaani u horseeday shaqo la’aan soo wajahday, waxeyna sidaasi daraateed ka codsadeen masuuliyiinta Xarakada Al Shabaab inay ka qaadaan xayiraada saareen garoonka qaadka ee Lambar 50.
Mid ka mid ah Ganacsatada qaadka ku iibisa Magaalada Muqdisho ayaa Shabelle u sheegay in talaabada ay garoonka Lambar 50 uga joojiyeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab diyaaradihii qaadka ee ka soo dagi jiray halkaasi ay saameyn ku yeelatay nolol maalmeedka haween, Caruur iyo dad kale oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd ka ganacsiga qaadka.
Marka laga soot ago Saameynta ay ku yeelatay ganacsatada qaadka ku iibisa koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa hadana xayiraada Xarakada AL Shabaab ay saareen qaadkii ka soo dagayay garoonkaasi waxaa ay saameyn ku yeelatay ganacsata uu u soo go’ qadka ee garoonkaasi uga soo dhoofisa dalka Kenya, kuwaasi oo sheegay in ay wahadal kula jiraan masuuliyiinta AL Shabaab.
Garoonka diyaaradaha ee Lambar 50 ayaa waxaa ka soo dagi jiray 7 diyaaradood oo qaad ka keeni jiray dalka Kenya, waxaana markii xarakada AL Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta garoonkaadi ay hakad galiyaan howlihii ka jiray garoonkaasi taasoo keentay in maanta la waayo qaadkii ka soo dagi jiray garoonkaasi islamarkaana laga wada dareemay saameyntiisa qaar kamid ah suuqayada gobolada dalka Soomaaliya sida uu Shabelle mid ka mid ganacsatada qaadka.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo ku aadaan talaabada ay ku hakiyeen qaadkii ka soo dagayay garoonka diyaraadaha ee Lambar 50 ee gobolka Sh/hoose.
Jaadka ee laga keeno dalka Kenya ee ka soo daga dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegaa in uu yahay isha sedaxaad ee dhaqaalaha ugu badan ee soo gala dowladda Kenya, waxaana lagu qiyaasay dhaqaalaha ka soo gala dowladda Kenya qaadka ay keento Soomaaliya todobaadkiiba 9 boqoloo kun oo doolarka Maraykanka.
Inkastoo qaadka qoysas badan oo danyar ah ay noloshooda ku maareeyaan hadana waxaa uga baxa Soomaaliya lacag adag maalinta kasta, waxaana la sheegaa Jaadku in uu ka midyahay Maandooriyaha, iyadoo lagu eedeeyo in uu qeyb ka yahay dhibaatada ka jirta wadanka Soomaaliya.
Their only option is to become ''Halaal Khat user'':




