Maamulka Ximin iyo Xeeb oo dib ula wareegay gacan ku haynta degmada Caadaado.
Cadaado: (Sh. M. Network) Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxaa ay dib ula wareegeen gacan ku haynta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay saakay dagaal kula wareegay ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaac oo uu watay Cabdi Shukri.
Wararka ka imaamaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulka Ximin iyo Xeeb uu dib ula wareegay degmad Caadaado Islamarkaana ay isaga baxeen Ciidamadii saakay halkaasi qabsaday.
Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ay dib ula wareegeen degmada cadaado, waxaana uu sidoo kale sheegay in ay kala wareegeen gaadiidka dagaal iyo hub uu sheegay in ay ka carareen ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee saakay dagaalka ku qaaday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen hub farabadan oo ay lahaayeen ciidamadii duulaanka soo qaaday, waxaana uu haatan xaaladda degmada Cadaado ay tahay mid aad u degan.
Ilaa iyo hadda lama oga meel ay jaan iyo cirib dhigeen ciidamadii Ahlu Sunna Waljamaaca ee Maanta weerarka ku qaaday degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, hase ahaatee waxaa ay dadka deegaanku sheegayaan in ciidamadaasi magaalada ay isaga huleeleen kadib markii Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay qabsadeen Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.
Xaalada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa caawa waxaa ay tahay mid degan, waxaana dib u furmay goobihii ganacsiga ee Maanta ay saameeyeen rabshadihii ka dhacay degmadaasi.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR
Webmaster@shabelle.net
http://shabelle.net/component/content/a ... a-caadaado