According to Shabelle and Hiiraan shabaab took the shortest path to exist when they heard about ahlusunnah gurmad from guriceel.
Some dead shabab bodies were dragged on the streets of dhuusamareeb.
Imaam Hutu, sxb whats with these sacads claiming ASWJ? They did a big mistake attacking their cousins
Qab qable Cabdi Shukri – Dhiigya-cab doonaya in uu lug la galo Jihaadka Ahlu-sunna Wal-jamaaca
17 06 2010
Cabdi Shukri muxuu ahaan jirey – Raad-raac kooban
Cabdi Shukri Cali Xirsi wuxuu xubin fir fircoon ka ahaa ururkii la dhihi jirey Argagixisada la dirirka ee ay ku bahoobeen Qabqable yaashii dagaal ee Koofurta Soomaaliya.
Ururkaas ayaa waxaa dhisay dhammaan qab qable yaashii Muqdisho iyo Jawhar, waxaana la asaasey 18dii Febraayo sannadkii 2006-dii, waxaana lagu dhisay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Wuxuu ahaa Cabdi Shukri inta uusan imaan Magaalada Muqdisho Ganacsade in badan ku noolaa waddanka Ugandha, halkaas uu uga soo baqoolay Magaalada Muqdisho si uu hoggaamiye kooxeed u noqdo, ummaddana dhankiisa wax uga laayo.
Markii uu magaalada Muqdisho yimid wuxuu bilaabay in uu abbaaro suuqa cirtoogte si uu hub uga soo iibsado, wuxuuna soo iibsadey maalintii koowaad soo iibsaday: AK-47 (130 xabbo), PKM (6 xabbo), Hoobiye (3 xabbo), Dhashiike (2 xabbo) iyo rasaas aad u badan sida qortey UN Monitoring Group Report on Somalia.
Wuxuu hubkaas Cabdi Shukri u iibsaday in uu ummadda Soomaaliyeed ee maatida ah ku xasuuqo si uu ugu soo can baxo, wuxuuna isla markiiba horey kaga biirey Isbahaysigii la magac baxay Argagixisada La dagaallanka.
Kolkii ay fashilmeen dhammaan hoggaamiye kooxeedyadii, mid walba gees ayuu u faniinay, waxayna siyaasadda Soomaaliya iyo qaskeeda ka fadhiyeen muddo sannado ah.
Waa xaraan ku naaxayaal eh muddo ayey fiir fiirinayeen meel ay ka galaan siyaasadda Soomaaliyeed si ay is-baarooyinkooda dib ugu soo ceshadaan, waxayna bilaabeen qaar ka mid ah - oo uu ugu horreeyo Cabdi Shukri- in ay ku fakaraan in ay Ahlu-sunna Wal-jamaaca halgankooda ay u arkaan mid ay kaga faa’iidi doonaan in ay dib ugu soo laabtaan saaxadda Siyaasadda Soomaaliya.
Qab qable Cabdi Shukri ayaa hadda wada ole ole uu ku doonayo in uu kala fur furo Ahlu-sunna Wal-jamaaca, si markaas uu u noqdo Hoggaamiye Ahlusuneed, taasoo uu waayadan oo dhan sheeganayey.
Waxaa la soo sheegayaa in uu hadda Gaalkacyo ka soo dagay isagoo soo qaatey lacag aad u badan, taasoo uu ku doonayo in uu Qorshihiisa siyaasadeed ee ku aaddan Ahlu-sunna Wal-jamaaca ku fushado, hase yeeshee waxaa taas u toog haya Madaxda Ahlu-sunna Wal-jamaaca, waxaana ka socda Isla magaalada Gaalkacyo ole ole kale oo looga soo horjeedo.
Wuxuu sidoo Kale Cabdi Shukti wataa in uu bililiqeyso Ummadda Soomaaliyeed isagoo adeegsanaya magac uusan jirin cid u dooratey iyo cid kula safan oo Ahlu-sunna Wal-jamaaca ah.
Si kastaba ha ahaatee, Qab qable Cabdi Shukri iyo kuwa la midka ahba, waxay doonayaan in ay wasakheeyaan Shaatiga culimada Soomaaliyeed ee Ahlu-sunna Wal-jamaaca, mana jirto meel iyo goob iyo si ay halganka Culimada hormuud uga noqon karaan, waxayna Culimadu il-gooni ah ku fiirinayaan ninkaas iyo kuwa la mid ka ah ee doonayana in ay halganka barakaysan ay u baddalaan gole shaydaan.
Mustaqiim
E-mail:
mustaqiimcom@hotmail.com
he will never be member of ahlusunnah.
i denounce him million times.