Dagaalo iyo xiisado dagaal oo ka taagan Baladxaawo iyo Dadka oo barakacaya
Dagaaladani xoogan oo shalay Maqribkii ka dhacay magaalada balad xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa isaga soo horjeeday ciidamada DKMG iyo kuwo taabacsan Ahlusuna waljameeca oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabab oo iyagu halkaasi maalmo kahor laga saaray.
Ka dib dagaal xoogan waxaa mar qura lagu arkay gudaha Baladxaawo Ciidan ka tirsan Xarakada Alshabaab oo la wareegay markale xalay fiidkii, balse waxaa daqiiqado ka dib soo rogaal celiyay ciidamadii dowlada KMG ah ee halkaasi ku sugnaa iyagoona mar kale la wareegay Baladxaawo.
Maxamed Cabdi Kaliil gudoomiyaha DKMG ah ee gobolka Gedo oo la hadlay qalabka warbaahinta ayaa sheegay in raac labaad oo ka tirsan ciidamada dowlada ay dib ula wareegeen magaalada iyagoona siweyn uga taag roonaaday xoogagii xarakada Alshabaab.
Xaalada baladxaawo ayaa maanta aheyd mid uu ka muuqday xiisado dagaal iyo barakac badan oo ay sameynayaan dadka deegaanka ku dhaqnaa kuwaas oo isaga cararaya khasaare ka soo gaari karta xiisadahan dagaal ee uu gobolku ku jiro.
Ilaa iyo haatan ma jiraan warar si cad loo xaqiijin karo oo ku saabsan khasaarihii ka dhashay dagaalkii xalay saqdhexe gaaray ee dhexmaray labada dhinac ee is haya balse waxay wararku sheegayaan in ay jiraan khasaaro labada dhinac soo kala gaaray inkastoo aan la ogeyn kan rayidka soogaaray.
Waxay aheyd maalmo ka hor markii ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidan taabacsan Ahlusuna waljameeca ay gudaha u galeen baladxaawo iyagoona halkaasi ka saaray xoogagii ku sugnaa, waxaana hada muuqata in ay soconayaan dhaq dhaqaaqyo midba midka kale uu ku doonbayo in uu kala wareego deegaanka.





