Ciidamo Itoobiyaan ah oo xirxiray Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo uu ka mid yahay…
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay shalay xabsiga dhigeen Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda kmg-ka gaar ahaan kuwa jira maamulka la baxay dooxada Shabelle.
Saraakiisha la xiray waxaa ka mid ah Yuusuf Axmed Hagar Dabo-geed iyo C/laahi Cali Wehliye oo ka mid ah Saaraakiisha horkacaysa Ciidamada dowladda kmg-ka ee mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaanka Kalabery, kuwaas oo dhowr jeer dagaalo la galay ciidamada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan gobolka Hiiran




