The New PM hasn't even been approved yet and Another one is forming a position Party.Jen. Maslax Maxamed Siyaad Barre oo Xisbi siyaasadeed kaga dhawaaqay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Sabti, 30 October, 2010 (HOL) − Gen. Maslax Maxamed Siyaad Barre oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa xisbi siyaasadeed shalay oo Jimco ahayd kaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
"Xisbiga cusub ee aan ku dhawaaqay waa mid siyaasadeed oo aan u arkay inuu ka samatabixin karo dalka dhibaatada uu ku jiro, waxaana ku mideysan Soomaali ah oo dhan," ayuu yiri Gen. Maslax oo xilligii taliska Aabbihiis ahaa taliyaha ciidammada.
Gen. Maslax, ayaa sheegay in xisbiga lagu magacaabo DPS, (Democratic Party of Somalia), Xisbiga Dimuqraadiga Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in xaruntiisa ay noqon doonto magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Xubno ka mid ah kasoo qaybgalayaashii madashii looga dhawaaqay Xisbigan, ayaa sheegay inay u arkaan inuu yahay mid horseedi kara nabad ka dhalata Soomaaliya kaddib 20-sano oo dagaallo ah.
Xisbigan, ayaa waxaa ku mideysan in ka badan 160-qof oo Soomaali ah, inkastoo la sheegay in tirada la kordhinayo, waxaana Gen. Maslax oo wax laga weydiiyay sida uu u arko khilaafka sababay in codka kalsoonida loo qaadi waayo ra'iisul wasaaraha magacaaban, uu sheegay inuu taas u dhaafayo dowladda jirta.
Gen. Maslax, ayaa tan iyo markii ay dhacday dowladdii uu aabbihii madaxda ka ahaa ku noolaa dalka Kenya, wuxuuna xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya uu sannadkii hore kula tartamay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa La gaaray markii uu dalku waalan lahaa with their craziness.




