Faafin: SomaliTalk.com: Tuesday, October 26, 2010 // 19 Jawaabood
http://somalitalk.com/2010/10/26/lafoole/
http://www.webometrics.info/openac.html
Prof. Cabdirizaaq Maxamed Aaden (Lafoole) oo habeenimadii Sabtida ee Axaddu soo geleysey (Oct 24, 2010) Soomaalida deggan Minneapolis uga warbixiyey waxbarashada heerka jaamacadeed ee dalka Soomaaliya, ayaa rajo weyn iyo yididiilo ka muujiyo.
Lafoole waxa uu dadkii kulanka ka soo qayb galay dhex dhigay su’aal ahayd “immisa jaamacadood ayaa Soomaaliya lahayn ka hor Axad 30-kii December 1990 oo ku beegan burburkii Soomaaliya”.
Qaar kamid ah dadweynahii madasha joogey ayaa ku jawaabay 3 jaamacadood ama 5 jaamacadood. Waxaase markii dambe la isku raacay in Soomaaliya ay lahayd hal Jaamacad oo keliya, lana oran jirey Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (Somali National University), xarunteedii ugu weyneydna ay la oran jirey Gahayr kuna taalay jidka aada Afgooye, taas oo faracyadeeda ay ka mid ahayd kulliyadii macallimiinta ee Lafoole iwm. Waxaa ku soo xirgeymachad la oran jirey SIDAM, laakiin jaamacad ahaan hal jaamacad ayaa Soomaaliya lahayd.
C/risaaq Lafoole oo lahadlayey dadweynahii ka soo qaybgalay kulanka oo ka dhacay Masjirka Abuubakar ee Minneapolis, ayaa sheegay in xilligan hadda la joogo ay Soomaaliya ka jiraan in ka badan 40 Jaamacadood. Muqdisho oo keliya waxaa hadda ku yaal in ka badan 20 Jaamacadood, Somaliland waxaa ku yaal in ka badan 15, halka Puntland ay kabadan yihiin 10, xagga Kismaayona waxaa ku taal Jaamacad, Hiiraan jaamacad ayaa ku taal, iwm.
Waxana uu markaas si qoto dheer uga hadlay heerka waxbarashada ee Jaamacadaha Soomaaliya, heerka tayadooda marka loo barbar dhigo jaamacadaha Adduunka. Waxana uu sheegay in shan Jaamacadood oo Soomaaliyeed ay ka mid noqdeen 12kun ee Jaamacadood ee adduunka ugu sareeya xagga tayada.
Shanta Jaamacadood ee Soomaaliyeed ee ka mid ah 12000 ee ugu tayada badan adduunka waxay kala yihiin:
1.Jaamacadda Muqdisho (oo la asaasay 1997)
2.East Africa Bosaso (oo la asaasay 1999)
3.Jaamacadda Burco (oo la asaasay 2004)
4.Jaamacadda Camuud (oo la asaasay 1998)
5.Jaamacadda Hargeysa (oo la asaasay 2000)
Kaalinta ay jaamacadaha adduunka kaga jiraana ka eeg shaxda hoose.
Dhanka kale Jaamacadda Muqdisho oo kaalinta koowaad kaga jirta Jaamacaddaha ugu tayaada badan Soomaaliya, waxay ka mid noqotay 100-ka Jaamacadood ee ugu sareeya Jaamacadaha Qaaradda Afrika, oo ay kag ajirta kaalinta 90, sida ka muuqata shaxda hoose.
MOU (Memorandum of understanding) Waxbarasho…
Waxa kale oo Lafoole sheegay “Spain ayaan waxaan socdaal kaygan kaga soo qayb galay shir Jaamacadaha. Waxaana 70 Jamaacadood oo ku kala yaal Afrika iyo 40 jaamacadood oo reer Yurub ah aan kala saxiixanay MOU (heshiis) ku saabsan in ardayga Soomaaliya kaga soo baxa Jaamacad oo ka qaadata shahaadada Bachelor-ka in markaas uu jaamacadahaas ka samayn karo Master iyo phd, waa jaamacadahaas waafaqay heshiiskaas MOU ee waxbarashada.”
Waxbarashadu waa akhlaaq
Dhanka kale C/risaaq Lafoole waxa uu xusay in waxbarashada Dugsiyada dhexe/sare ee Soomaaliya in kasta oo ay hoosayso, laakiin carruurta Soomaaliyeed ay aad ugu wanaagsan yihiin waxbarashada laga kasbado bulshada oo ay aad u akhlaaq wanaagsan yihiin.
Dhanka kale, ”Waxbarashadu waa in ay la socoto akhlaaq, waxana uu tusaale u soo qaatay Kenya oo 1000 macallin shaqada laga joojiyey dhawaan”, kaddib markii ay fara xumeeyeen gabdhaha ay iskoolka u dhigaan ee da’da yar, waa sida laga soo daayey TV-ga Aljazeera oo la is tusay gabdho da’yar oo ay macallimiin faraxumeeyeen oo carruur haysta. Daawo Linkiga hoose.
Dhibaatada Dhoof Jacaylka
C/risaaq Lafoole waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee macallimiinta iyo waalidka ka hasta ardayda Soomaaliya in ay tahay in ardaygu marka uu dugsiga sare ka baxo uu durbadiiba u hanqal taagayo in uu dalka ka dhoofo ayadoo ay Soomaaliya ku yaalaan jaamacado tayo leh oo uga kharash yar, taas oo ay ugu wacan tahay in ardaydu aysan ku kalsoonayn joogitaanka dalka oo ay dhammaan dhoof doon iyo tahriib yihiin.
Waxana uu sheegay in badan in ay aadaan dalalka deriska ah ama dalalka kale ee Afrika halkaas oo waqti badan iyo kharash badani kaga baxo oo xitaa ay dhici karto inaysan waxba halkaas ka baran.
Waxana uu dadweynaha qurbaha jooga kula taliyey: Ardayda aad qaraabada tihiin ee ka baxay dugsiyada sare in aad jaamacadaha kaga bixisaan dalka (Hooyo) meesha ay ka joogaan, oo ardayda aad ilaa heerka bachelor-ka waxbarasho tayo fiican ay taal dalka, halkaas kaga bixiya.
check this out
http://www.webometrics.info/top100_cont ... ont=africa
University of Muqdhisho is number 90.



