Al Shabaab ayaa shalay gowrac ku dilay meel fagaare ah, mid ka mid ah odayaal dhaqameedyada aadka looga yaqaanno gobolka hiiraan.Dilka oo shalay galab ka dhacay tuulada Jiiqeey oo 21 Km waqooyi galbeed kaga began degmada Maxaas ee gobolka Hiiraanayaa yimid markii ay goor hore oo galabnimadii ah Al Shabaab soo qabteen wiil uu dhalay odayga la dilay, waxayna ku khasbeen inuu u geeyo aabihiis, oo ay isna gacanta ku soo dhigeen. Al shabaab oo odayga wata ayaa degdeg ugu wargeliyey in dadka deegaanka ay isugu soo baxaan meel fagaare ah, halkaasoo ay dhigta dhiigga ugu dareen nabadoon Maxamed Daangaab oo ahaa oday dhaqameed aad looga yaqaanno deegaannada gobolka Hiiraan, da’diisuna ahayd 76 jir.
Gawracaas oo lama filaan ahaa ayey dadkii isu soo baxay argagax ka qaadeen, ka dibna waxaa si khasab dadka kula hadlay mid ka mid ah ragii watay maleeshiyada Al Shabaab oo u sheegay inay tahay farriin ay u gudbinayaan dadka deegaanka Jiiqley.
AUN MARXUUMKA , Source: Bar-kulan