XILDHIBAANADA REER MAAKHIR EE BAARLAMAANKA FADRAALKA OO LAGU WADO IN AY KALSOONIDA KALA NOQDAAN DOWLADDA KMG
--------------------------------------------------------------------------------
Xildhibaanada Reer Maakhir Ugu jira Baarlamaanka Fadraalka ayaa lagu Wadaa in ay Maalmaha soo socda yeeshaan kulan ay dib ugala noqonayaan Kalsoonida Dowladda KMG Waxayna arintani imanaysa kadib markii uu galabta ku dhawaaqay Golaha Cusub ee Wasiirada Raysal Wasaare Farmaajo yadoo uusan Raysal Wasaaruhu kusoo darin Liiska Wasiirada cusub Wasiirkii Beesha Warsangali.
Waxaan goordhaweyd khadka telephone-ka kula xidhiidhnay qaar kamida Xildhibaanada Reer Maakhir ee ugu jira Baarlamaanka Fadraalka Waxayna noo sheegeen in ay wadaan kulan balaadhan oo ay kal soonida dib ugala noqonayaan Xukuumada Raysal Wasaare Farmaajo iyo guud ahaanba Dowladda kKMG ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ka hor inta aan la qaban kulanka Kalsoonida ay dib ugala noqonayaan Xildhibaanada Beesha Warsangali Dowladda KMG ayaa waxaa maalinimida bari la filayaa in ay shirjaa'id ay kaga xun yihiin sida ay ula dhaqantay Dowladda KMG Beesha Warsangali ay ku qabtaan Magaaladda Muqdisho.
Waxaa Nasiib Daro ah in uu Raysal Wasaare Farmaajo meel ugaga dhacay taageeeridii iyo soodhweyntii balaadhnayd eee ay u sameyay meelay joogaanba Beelweynta Warsangali waxaa intaas dheer in laga sameeyay Deegaanka Maakhir Mudaharaadyo lagu soo dhaweynayo Raysal wasaaraha.
Ismiada iyo Waxgaradka Deegaanka Maakhir meelay joogaanba Waa in ay cambaareeyaan Arinta foosha xun ee uu kula dhaqmay Raysal Wasaare Farmaajo.
Laasqoray.NET


