Suldaan Siciid oo la Kulmay Odayaasha Jaliyada Maakhir ee Kenya [Daawo Sawirada]
November 14, 2010
By Juuj
Suldaan Siciid Cabdisalaam Maxamuud Cali Shire oo ah Isinka Guud ee Beelaha deegaanka Maakhir ayaa Kulan Hordhac is Waraysi ah la Yeeshay Odayaasha Deegaanka ee ku dhaqan Kenya, Suldaanka Guud ayaa Arbacadii aan ka soo Gudubnay soo Gaadhay Kenya isaga oo ku sii Jeeda UK oo laga Casumay.
Suldaanka ayaa Is Waraysiga Gudiga Jaliyadaha u sheegay inuu ka qayb Galayo Shir Arimaha Somaliya looga hadlayo oo ka dhacaya UK Gaar ahaan Caasimada ee London.
Qodobada Suldaanku ku Amaanay inay ka Hir Galeen Gobolkii waxa kamid ah
•Amaanka
•Caafimaadka Guud
•Biyo La Hubo.
•Waxbarashada oo Hana Qaaday
Suldaanka ayaa Qodobaasi Hir Galintooda ku Amaanay Jaliyadaha diba ee deegaanka Kuwaasi oo ku sheegay inay Heer Fiican Ka Gaadhsiiyeen Gobolka.