Is this news from Southern Somalia true?
Posted: Mon Nov 15, 2010 12:01 pm
Kumanaan Fuquro ah oo Maanta Zakawaad loogu qeybiyay Wilaayaadka kala duwan ee dalka Soomaaliya (Warbixin faah faahsan).
Wilayaadka dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta si rasmi ah ugu bilowday qeybinta Zakawaadka,gaar ahaan dalagga kasoo go’ay beeraha.
Wilaayada islaamiga ah ee Banaadir,wilaayada Shabeelaha Hoose,Jubbooyinka,Baay iyo Bakool, iyo wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa ka mid ah meelihii maanta ay sida rasmig ah ugu bilowdeen qeybinta Zakawaadka,iyadoona Kumanaan ruux oo Fuqro ah ay isugu yimaadeen Xarumaha ay wilaayaadku u cayimeen in Zakawaadka lagu qeybiyo.
Maktabka Diiwaanka Zakawaadka ee Shabaabul Mujaahidiin iyo Wilaaayada islaamiga ah ee Banaadir oo iskaashanaya ayaa barqanimadii maanta waxay Zako qeybin ka bilaabeen deegaano ku yaala duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceel-Cirfiid,Gubadleey iyo deegaanka Treedisho.
Waaliga wilaayadya islaamiga ah ee Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in deegaanka Ceel-Cirfiid oo kaliya maanta Zakawaadka loo qeybiyay ku dhawaad 1,000 (kun ruux) oo kamid ah dadka danyarta ee halkaasi ku dhaqan,wuxuuna tibaaxay in Zakawaad kuwaasi la mid ah loo qeybiyay Boqolaal qoysas ah oo ku nool deegaanada Gubaley iyo Treedisho.
Wilaayada islaamiga ah ee Shabeelaha Hoose ayaa iyana waxaa maanta si toos ah ugu bilowday qeybinta Zakawaadka, Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla waaliga wilaayada Shabeelaha Hoose iyo Madaxa Zakawaad ee Wilaayada Sheekh Maxamed Axmed ayaa gaaray degmada Awdheeglle,waxayna halkaasi ka bilaabeen qeybinta Zakwaadka.
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa tilmaamay in degmada Awdheeglle oo kaliya ay kasoo xaroodeen inkabadan 5,000 (Shan-kun) oo kiish oo badar Zako ah ,taasi oo sida uu sheegay muujinaysa xaddiga uu la egyahay dalagga sanadkan kasoo go’ay wilaayada Shabeelaha Hoose.
Magaalada Kismaayo,degmada Jilib,Bu’aale iyo deegaano ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka bilowdaan qeybinta Zakawaadka sida ay Mas’uuliyiin ka tirsan wilaayadaasi u xaqiijiyeen warbaahinta AmiirNuur Media.
Wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa waxay ka mid tahay wilaayaadka maanta laga qeybiyay Zakawaadka,waxaana degmooyinka maanta Zakawaadka laga qeybiyay ka mid ah Buulo burde,Maxaas iyo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan,iyadoona la filayo in maalinta berrito ah wilaayada Hiiraan ay dadka fuqarada ah u qeybiso lacago Caddaan ah oo qeyb ka ah Zakawaadka sanadkan laga qeybinayo wilaayadaasi islaamiga ah.
Maalintii shalaya ayay ahayd markii Mas’uulka ugu sareeya Maktabka diiwaanka Zakawaadka Sheekh Suldaan Muxamed Aala Muxamed uu ku dhawaaqay in maanta oo Isniin ah ay howlo Zako qeybin ah ka bilaabi doonaan guud ahaan wilaayaadka islaamiga ah ee dalka Soomaaliya.