R/wasaaraha oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga
Posted: Tue Nov 16, 2010 12:18 pm
R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada X.D.S.
R/wasaare Maxamed C/llaahi Farmaayo ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidamada XDS, Taliyaha Booliiska, Taliyaha Ciidamada Badda, iyo saraakiil kale oo tirsan ciidamada.
Waxa uuna R/wasaaruhu mas’uuliyiinta ciidamada kula dardaarmay in ay u howlgalaan sidii loo tayeeyn lahaa ciidamada Dowlada, isagoo guddoonsiiyay lacago ay soo dhiibeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain, taas oo sida la sheegay ciidamada loogu iibinayo sagaal neef oo Geel ah.
Kulankan ayaa dhacay kadib markii R/wasaaruhu uu maanta kaga qeybgalay Tukashada Salaada ciidda Masjid ku yaala xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.