Postby ababanoah » Wed Nov 17, 2010 4:56 pm
Urur diimeedka la magac baxay ahlusunah waljameeca ayaaa albaabada isugu dhufatay idaacadii ka bixi jirtay magaalada caabud-waaq.Waxayna sabab ugu dhigeen iyada oo maalmahaan dambe idaacadu caado ka dhigatay ka hadalka maamullka ximan iyo xeeb taasina waa ay u cuntami weyday maamulka qalafsan ee shacabka caabudwaaq usoo huwaday shaati diimeedka.Gebi ahaanba shacabka galgaduud waxaa tusaale wanaagsan u noqday xoriyada dadka ay gaareen maamulka ximan iyo xeeb.Hadaba qawlaysatada haboowsan ee la baxday ahlusunaha ayaa dhawaanahan caburinaya dadka degga gobolada dhexe ee soomaaliya iyaga oo xoog hawada uga saarayay idaacadaha halkaasi ka jira.Idaadaha oo xiraan kuma ekeen sida ay u caburinayaan dadka,ee waxaaba mararka qaar ay weerarayeen maamulka ximan iyo xeeb oo hurumar lala yaabay ku talaabsaday dhawaanahan dambe,tusaalana kaaga filan ninkii xasan shukri ee fashilmay.