Waxgaradka Soomaaliyeed oo codsaday in la joojiyo Colaadaha Buuhoodle iyo Mudug
Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dhexe Soomaaliya ayaa codsaday in la joojiyo colaadaha ka soo cusboonaaday degaanada hoos yimaada Mudug iyo Buuhoodle.
Baaqan oo ay soo saareen odayaal, culimo, waxgarad iyo ganacsato ayaa ku wajahan dirirta ka dhex taagan beelaha ee beryahan ka taagneyd degaanada ka kala tirsan Mudug iyo Buuhoodle gaar ahaan degaan hoos yimada Gelinsoor iyo degaanka hoos yimaada magaalada Buuhoodle.
“Colaada beeluhu waa mid halisteeda leh oo aan ku habineyn ummada Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah, waana in si deg deh looga gudbaa. Maanta ummadeenu waxay ku jirtaa dhib iyo faqri, waxaa a heysta mushkilado badan ma ahan xilli aan dhexdeena dirirno ee waa xilligii aynu midoobi lahayn kana tashan lahayn danteena adduun iyo mida aakhiro” ayaa lagu yiri baaqan ay soo saareen waxgaradku.
Sida la og yahay dad badan ayaa ku dhintay cilaadahan kala duwan ee ka taagan degaanada Gaalkacyo iyo Buuhoodle. Waxaana baaqan lagu adkeeyey waxgaradka beelaha uu khilaafku u dhexeeyo iny colaada demiyaan ayna doonaan nabada.
Dhinaca kale waxaa magaalada Gaalkacyo ka bilawday dadaalo nabadeed oo ay wadaan dad waxgarad ah oo ka tirsan beelaha degaanka degan si loo joojiyo dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya.
Sidoo kale waxgarad ku sugan magaalada Muqdisho oo labada degaan a khuseyaan arimahooda ayaa baaqyo badan soo jeediyey.
Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in waxgarad ku bexeen degaanka hoos yimaada Gaalkacyo ee ay dirirtu beryahan ka jirtay.
Sidoo kale ayaa waxgarad meelo kala duwan ka yimid waxay ku bexeen degaanada miyiga ee Buuhoodle oo ah meesha dhibaatadu ka dhacday.
Colaadaha beelaha Soomaaliyeed ayaa sida badan ka dhasha murandhuleed ama biyo taasoo sababta in gacan ka hadal uu dhexmaro qoysad marka dambana isu rogta colaad qabiilooyin dhan ka dhexeysa. Hase yeeshee waxaa mararka qaarkood dagaalada lug ku leh shisheeyaha oo ka faa’ideysanaya burburka ummada ka dhex jira, waxaana dadka waxgaradka looga baahan yahay in taasi indhaha ku hayaan ayna ku dadaalaan sidii dadka loo mideyn lahaa.
http://www.somalimirror.com/2010/11/18/ ... iyo-mudug/



