Maleeshiyada Shabaab ayaa bililiqeystay qalabkii Isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo ayagoo la aadday deegaanka Buurgaabo oo uu ku yaallo Isbitaal u gaar ah ajaanibta martida u ah maleeshiyadaasi.
Maleeshiyadan oo wata dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa wax ay mudo 6 sacadood ah bandow ku soo rogeen xaafadaha ka agdhow Isbitalka waxayna boobeen dhamaan agabyadii muhiimka ahaa ee loogu adeegayay shacabka ku dhaqan deegaankaasi iyo degmooyinka ka agdhow.
Cusbitalka Kismaayo oo ah kan ugu weyn gobolka Jubada Hoose qalabka ay ka qaateen waxaa ka mid ah Ex-ray (Jaajo) casri ah, sariiro badan oo kuwa bukaanka ah, dawooyin iyo qalab kale, kuwaas oo sanadii 2004tii ay hay’ada MSF Belgium ugu deeqday cusbitaalka magaalada Kismaayo.
Qalabkii laga boobay isbitaalka ayaa la sheegay in maleehsiyaadaasi ay ula dhaqaaqeen dhanka deegaanka Buurgaabo oo 150 km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo, halakas oo ay yaalaan dhaawacyo badan oo isugu jira Soomali iyo ajaanib, waxaana deegaankaasi ku daweeya rag ajaanib ah oo aan heysan qalab ku filan, taasoo keentay inay boobaan maleeshiyaadku Qalabka Isbitaalka.
Maleeshiyada Shabab ayaa inta badan deegannada ay gacanta ku hayaan kala wareegay adeegyadii bulshada oo ay si gaar ah u isticmalaan waxaana dhawaan xoog ku qabsadeen Isbitaalka magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ka dhigeen goob shacbiga ka caagan oo isku bedeshay xarun maleeshiyo.
http://www.radiomuqdisho.net/news/warar ... maayo.html
I wish someone would drone these fuckers already




