Warxoolo:(Ashcariyah) Xooga Ahlusunna waljamaaca oo Baadi Goobaaya Khawaarijtii Halka Ay Raad Iyo Ruux Dhigeen 26.11.2010.
Yaa Arkay Khawaarijtii Al_Shabaab
Qisadaan oo ka dhacday deegaanka Warxoolo ee lagu baacsaday khawaarijta, ayaa ahayd kadib markii ay halkaas ku dagaalameen Xoogagga Ahlu-sunna Wal-jamaaca iyo khawaarijta Al-shabaab ayaa halmar awoodii khawaarijta meesha ka baxday ilaah fadligiis.
khawaarijta ayaa markii hore ku yimid gurmad aad u badan oo isaga yimid meelo badan oo ka mid ah waddanka Soomaaliya, ayagoo soo qafaalay ilmo aad u da’yar oo warba u hayn gumaadkii hore ee lagu gumaaday khawaarijta, ayaagoo loogu sheekeeyay ninwalba wuxuu soo helayaa qoryo iyo gabdho oo uu soo qaniimaaysto.
Maalmo ka diba waxaa bilaawday dagaalkii islamaalintii ugu horaysay ayaa khawaarijtii la’go’doomiyay ayadoo laga xiray dhammaan waddooyinkii uu saadku ugu imaanlahaa, taas oo niyad jab aad uwayn ku riday khawaarijtii.
Xoogagga Ahlu-sunna oo ilaahay Garabkoodu ahaa ayaa halmar ku durduriyay khawaarijtii, islamarkaas khawaarijtii ayaa u kala firxadatay dhammaan howdka iyo baadiyaha Warxoolo iyo Waradhuumale.
Cutubyo ka mid ah Xoogagga Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo ku raad joogay Baadi goobka Khawaarijta Al-Shabaab ayaaa la kulmay qaar ka mid ah Xoola dhaqatada Warxoolo markaas bay waydiiyeen “Shabaab ma’aragteen?” Xooladhaqatadii oo maalintii horay layaabanaa tirabadnida iyo boola xooftaynta khawaarijta maalintii ay duulaanka ahaayeen ayaa halmar qosol jaanta ku dhuftay, oo yiri “waa ilaahay mahadiis hadii maantay la iswaydiinayo Shabaab”.
It is by the grace of Allah swt that the mujahideen won again this heavy battle which lasted 3-4 days.