Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed oo taago xoogan kala kullantay xoogaga Islaamiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in’ay gobolada dalka kala wareegi doonaan dhawaan.
C/Shakuur Sheekh Xasan Faarax oo ah Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda KMG ee Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay dooneyso sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd gobolada ay ka taliyaan xoogaga mucaaradka.
Wuxuu sheegay in dowladda ay ku mashquulsan tahay sidii gobolada dalka ay gacanta ugu soo dhigi laheyd dhawaan, wuxuuna sheegay in taasi ay waajib ka saaran tahay ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya.
Mr C/Shakuur wuxuu tibaaxay in saraakiisha dowladda laga doonaayo sidii ay gacanta dowladda ugu soo celin lahaayeen gobolada ay ka taliyaan xoogaga Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo wada dagaalo ka dhan ah dowladda kmg ee Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka oo hadaladiisa laga dhadhansan karay dagaalo uu qorsheynaayo in uu ku qaado dhinacyada kale ee kaga soo horjeeda siyaasadda cakiran ee ka jirta dalka Soomaaliya, ayaa wuxuu si maldahan uu u qeexay in uu cagta marin doono dhawaan.
Dhanka kale wuxuu rajo uu ka muujiyay qorshaha dagaal ay dowladda qorsheyneyso in’ay dhawaan kula wareegi doonto Koonfurta iyo Bartamaha ee dalka Soomaaliya oo ay iminka ka taliyaan xoogaga mucaaradka, isla-markaana wuxuu wasiirku uu sheegay in maamulka dowladda uu dalka oo dhan uu ku fidi doono, waa haddii ay jiraan Shabaab iyo Xisbiga.
Shalay ayay ahayd kadib markii uu Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” uu ku hanjabay in’ay dhawaan cagta marin doonaan xoogaga hubeysan.




