Sh. Cali dhere, ayaa hadalkan ka sheegay muxaadaro ay boqolaal qof kasoo qaybgaleen oo ka dhacday Muqdisho, isagoo sheegay inay magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalkaas ay ka furan iskuulo lagu barto Masiixiyada.
"Maamulka Somaliland, wuxuu aqbalay in lagu barto diinta gaalada Somaliland, waa inay wadaadu kacaan ayna ka hortagaan falalkaas, waayo waxaa la doonayaa in la baro shacabka diinta gaalada iyo dimuqraadiyada oo ogol in galmo dhexmarto laba nin" ayuu yiri Sh. Cali dhere.
Afhayeenku wuxuu sheegay in baadariyada dadka diinta gaalada baraya ay dalka Ethiopia ka yimaadeen, isagoo tusaale u soo qaatay buug ku qoran afka Somaliga, kaasoo dadka loo qaybiyo.
Wuxuu ka hadlay, nin Jarmal ah oo faro-xumeyn u geystay haween kasoo jeeda maamulkaas, isagoo sheegay inuu qayb ka ahaa qorshe la doonayay in haweenka Somalida dharka laga dhigo lagana duubo filimaan loo gudbiyo dalalka galbeedka, si loo tuso in dhaqankoodii la badalay.
Mas'uuliyiinta maamulkaas, ayuu ku eedeeyay inaysan doonayn inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka shacabka lagu hayo iyo gaaleysiintooda, isagoo shacabka ugu baaqay inay kacaan.
Kooxda Al Shabaab oo ku caan baxday gaalaysiinta Ummada Islaamka ayaan la ogayn halka ay ka keeneen warkaani, laakinse horjoogaha Shabaab ayaa ah nin dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada Somaliland ee waqooyi-galbeed Somalia.
Al-shabaab oo maamusha gobolada koonfureed ee Somalia intooda badan ayaanay ahayn markii ugu horreysay oo eedeyn noocan oo kale ah ay u jeediso Somaliland, iyadoo sheegtay in howlahan ay Somaliland ka fuliso hay'adda WFP.





