Kampala: Saraakiil ka tirsan DFKMG ah oo muda laba Bilood ah tababar uga
soconayey Dalka Uganda ayaa loo Qabtay Xalflad loogu soo Xidhayo
Tababarkaas Mudada u Socday Saraakiisha.
Xaflada Xidhitaanka oo Lagu Qabtay Mandela National Stadium ayaa waxaa
ka soo Qaybgalay Safiirka Dawlada Somalia u Fadhiya Dalka Uganda
Ambassador. Sayid Ahmed Sheikh Daahir, Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka
Uganda Ahna Ra’isulwasaaraha 3-aad ee Dalka Haji Ali. Saraakiil ka
tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Uganda, Sarkaal Sare oo ka socday UNDP
Somalia, iyo Marti Sharaf Kale.
Madaxa Qaybta Tababarada Dalka Uganda General Felix oo Goobta ka
Hadlay ayaa waxa uu sheegay in Saraakiisha Tababarka Mudada Labada
Bilooda qaadanayey ay ahaayeen 60 Sarkaal oo isugu Jira saraakiil sar
sare iyo kuwa dhexeba ay qaateen Tababar wax weyn ka taraya wax
kaqabashada Xaalada uu Dalka Somalia hada ku jiro isagoo Tacsi u diray
Gaashaanle Mohamed Mohamud oo ka mid ahaa Saraakiisha Tababarka Halka
loo Keenay isla Markaana 19-th October u geeriyooday Xanuun hayey
Sarkaalka.
Safiirka Dawlada FD ee Dalka Uganda Ambassador Sayid Ahmed oo isna
Goobta ka Hadlay ayaa waxa uu bogaadiyey Tababarka ay qaateen
Saraakiisha isagoo aad ugula Dardaarmay in tababarkan iyo Casharada ay
qaateen ay uga faaideeyaan Xasilinta Dalkii, wuxuuna aad ugula
Dardaarmay Saraakiisha inay u guntadaan wax ka qabashada Xaalada
Dalka, Naftoodana ay u Huraan.
Safiirku wuxu amaan Balaadhan u soo jeediyey Dawlada Dalka Uganda oo
uu sheegay inay Markasta u heelanyihiin wax la qabashada Mujtamaca
Somaliyeed, wuxuuna ku amaanay siday Markasta u Gaarabtaaganyihiin Df
iyo Tababarka Ciidanka dawlada.
Waxa uu Safiirku sidoo kale ka Dhawaajiyey inay Muhiim tahay in
Ciidanka iyo Saraakiisha tababarka loo soo dirayo Marka Hore Caafimaad
ahaan la soo Baadho oo la soo diro Saraakiil Caafimaadkoodu Taam
yahay, isagoo dhanka kalena Xusay inay Muhiimtahay in la soo diro
Saraakiil Dhalinyara ah oo si fiican uga faa idaysan karta Tababarada
la bixinayo.
Wasiirka Arimaha Gudaha Dalkan Uganda Ahna Ra’isulwasaaraha 3-aad ee
Dalka oo Hadal muda qaatay Goobta ka jeediyey ayaa waxa uu ku
dheeraaday dhibaatooyinkii uu soo Maray Dalkan Uganda oo la mid ahaa
kuwa uu Hada Dalka Somalia ku jiro isagoo aad u amaanay Gacantii ay ka
heleen Dawladii Hore ee Somalia ee Mohmed Siyad Bare Madaxweynaha ka
ahaa oo uu sheegay inay Garab istaageen.
Waxaana uu wasiirku Hoosta ka Xariiqay in Dawlada Uganda ay Markasta
Garabtaagantahay Dawlada iyo Shacabka Somaliyeed, wuxuuna isagoo ka
hadlayey Sababta ay Dawladaha kale ee African-ka ah ciidama ugu
diriwaayeen Dalka Somalia uu sheegay inaanay soo marin Dagaalo iyo
dhibaatooyin hore sidaa Darteedna aanay Garanayn Xanuunka ay leedahay
dhibta Meesha ka Jirta, isagoo tilmaamay in Xanuunka oo la daweeyo ay
ka Horayso Xanuunka oo la’Aqoonsado.
Saraakiisha Tababarka loo soo xidhay oo aan Qaarkood la sheekaystay
ayaa waxaa ka muuqatay Farxad iyo niyaayiro ay u qabaan Tababarka ay
qaateen, waxaana Goobtaa Saraakiisha Lagu Gudoonsiiyey Shahaadooyin
Muujinaya Nooca Tababar ay qaateen.
SONNA Reporter in Kambala, Uganda







