Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The people return: Maxamuud Siciid Maxamed! PL anti-Maakhir

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

The people return: Maxamuud Siciid Maxamed! PL anti-Maakhir

Postby muftaax » Mon Dec 06, 2010 2:40 am

Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha Somaliland oo ka Hadlay Ciidamada Qow Degay
December 5, 2010
By Somali

Image
Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha xukuumadii madaxwayne Rayaale Maxamuud Siciid Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ay wakhtigan xaadirka ah ku sugan yihiin ciidamo calooshood u shaqaytayaal ah oo u ka soo jeeda South Afrika oo tiradoodu gaadhayso 250 nin, isla markaana wata hub casri.


Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu intaa ku daray in calooshood u shaqaystayaashasi ujeedada ay halkaa u yimadeen ay tahay sidii ay u difaaci lahaayeen goobaha maamul goboleedka Puntland uu ku doonayo in uu shidaal iyo macdan ka qado, deegaanada Sanaag Bari oo ka tirsan Somaliland, taas oo uu sheegay in maamul goboleedkaas ay ka caawinayso baadhista khayraadkaas shirkad laga leeyahay dalka Kuwait oo magaceeda la yidhaahdo Kuwait Energy.

Wasiirkii hore ee ciyaaruhu waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay khadka telifoonka ugu waramayey wargeyska Haatuf, isaga oo ku sugan caasimada ee Hargeysa, ayaa sidoo kale waraysigiisaa waxa uu kaga hadlay in ay nasiib daro tahay in Garaado ka tirsan madaxdhaqameedada reer Garoowe ay ku gorgortamaan xalinta dirirtii labada beelood ee walaalaha ah dhawaan ku dhexmartay deegaanka Kalshaale, taas oo uu tilmaamay in ay xukuumada Somaliland ka gaabisay doorkii ay ku lahayd xalinta dirirtaas.

Ugu horayna isaga oo ka hadlaya ciidamada calooshood u shaqaytayaasha ah ee ku sugan magaalada Boosaaso, waxa uu yidhi “Caawa Boosaaso waxa jooga 250 nin oo reer South Africa ah, oo ah raga la yidhaa Calooshood u Shaqaystayaasha, oo sita hub casri ah, waxay keeneen 120 baabuur oo 60 yihiin gawaadhida Laankuruusalada ah ee FWD ee Cabdi Bile-yaasha Somalidu u taqaano, waxa ku jira 40 baabuur oo ah kuwa waawayn ee wax lagu raro, waxa kale oo ka mid ah 20 Cagafyada waawayn ah, dhamaan agabkaas oo dhami maanta waxay yaalaan Boosaaso”.
Isaga oo ka hadlaya hub iyo saanad Puntland ugu yimid Yemen, waxa uu intaa ku daray “Todoba Cisho hortood waxa uu hub uga yimid Maamul goboleedka Puntland dalka Yemen, hubkaasi waxa uu iskugu jira, Madaafiicda buuraha lala dhaco ee buuraha u khaaska ah, laakiin waxaan la garanayn in ay dawlada Yemen ku caawisay iyo in uu u soo maray, waxa kale oo jira warar sheegay in shirkadaasi u soo iibisay, kharashka ku baxaya iyo hawlaheeda oo dhana shirkada Kuwait Energy oo reer Kuwait ah ayaa bixinaysa, ilaa Amiirka dalka Kuwait ayaana wax ka og arimahan, hawshaa ninka dhexdhexaadiyey ee isku duba ridayna waa nin Maraykan ah, imika hadii aad gasho Webka Association Press waxaad ku arkaysaa Faroole wiil uu dhalay oo jooga Maraykan waraysi uu siiyey oo kuuga hadlayo arimahaas oo dhan, oo uu kaga hadlayo ciidamadaasi in aanay ahayn kuwo la dagaalamay Burcad-badeed ee ay yihiin rag qodaya Macdan, waxa uu carabaabay wiilkaasi kharashka ku baxaya arintan oo leeyahay waxa bixisay dawlad Carbeed oo aanu magaceeda sheegin”.

“Shalay iyo Maanta Laasqoray iyo Ceelaayo dhexdooda laba meelood oo la yidhaa Hays iyo Cad Cado ayey cabiranayeen meelihii ay xeryaha ka dhigi lahaayeen ciidamadaa calooshood u shaqaystayaasha ah oo wata qoryaha diirada leh ee meesha fog wax lagaga toogto, waxa kale oo ay u bandhigeen 600 nin oo wajiga koobaad ah oo hada tababar u socda oo ka soo jeeda qabaa’ilka Puntland daga, dhamaantooda dadkaas oo dhami waxay u socdaan waa macdantaa iyo khayraadkaas uu Alle ku manaystay, deegaankaas ay damacsan yihiin in ay fadhiisimada ka dhigtaan ee Laasqoray iyo Ceelaayo u dhexeeya waa laba meelood oo Istaraatiijiya oo Somaliland ugu taariikhwayn uguna magacwayn inay baadhaan ayey doonayaan, dagaalkii Gal-gala ka socdayna sidaan hore u sheegay muu ahayn Argagixiso iyo waxaas ee mihiimadii loo socday waxa uu ahaa Macdantaa iyo khayraadkaas”.

Wasiirkii hore ee ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed mar uu ka hadlayey madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland, waxa uu yidhi “Ninka Faroole la yidhaa hawsha uu ku jiray in mudo ahba waxa weeyi dhulka ka soo bilaabma xadkeena oo Ceelaayo ah ilaa xaga galbeedkana Laasqoray gaadhay, dhulkaas Gubanta la yidhaa ilaa buuraha Gal-gala ee dagaaladu ka dhacayeen, dhulkaasi waa dhul lagu yaqaano khayraadka macdanta noocyadeeda kala duwan iyo Bartrol intaba, marka laga soo bilaabo maamuladii isaga ka horeeya ee C/laahi Yuusuf, Cadde Muuse iyo Faroole-ba intuba waxay ku dagaalamayeen inay meeshaa qotaan, boqolaal shirkadood ayey heshiis la galeen, shiradii ugu horaysay ee ay heshiiska la galeen waxa ay ahayd shirkada reer Australia ah, Haatuf oo ah jariirada aad hada ka socoto ee aad ka tirsan tahay (wariyaha waraysiga qaadayey) waxay ahayd Jariidadii nagala shaqaysay, oo habeen iyo maalin bulshada u soo bandhigi jirtey, waxa kumanaan jeer warar ka qoray arimahaas Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo ninka la yidhaa Cabdifataax Caydiid ee ka tirsan hada Haatuf-ta Ingiriisiga ku soo baxda ee Somaliland Times-ka, runtiina anagu Information-ka ayaanu siin jirnay iyaguna xogta oo dhamaysiran ayey soo gudbin jireen, geed dheer iyo geed gaabana way u koreen arintaas. Shirkadaas markeedii hore waxa soo kaxeeyey oo Australia ka soo kaxeeyey ninka maanta madaxwaynaha ka ah Puntland, hadana waxa wada shirkadaas wiil uu dhalay Faroole, markii shirkadaa dhibaato ka soo gaadhay shidaal ka qodistii ay isku dayday ee deegaankaas, waxay heshiis la gashay shirkad kale oo la yidhaa African Oil, shirkadaasna waxa laga leeyahay South Africa, waxa kale oo qayb ka mid ah heshiiskaas la gashay shirkad kale oo reer Kawait ah, waxa kale oo ay shirkadaasi African Oil ee reer Sout Africa keeneen ay soo kiraysaytay shirkad kale oo ay yidhaahdeen waxay dhisayaan ciidamada la dagaalanka budhcad-badeeda, waanu haynaa heshiisyadii waanan soo bandhigi doonaan dhawaan”.

Mar uu la hadlayey xukuumada Somaliland iyo waxa kala gudboon arimahaas macdan qodista deegaanka Sanaag bari, waxa uu yidhi “Waxaan baaq u soo jeedinayaa Dawlada Somaliland oo iyadu hada xilka dalku saaran yahay oo aan leeyahay waar ha dhayalsanina, anaguna gacan wayn ayaanu siinaynaa mid beeleed iyo mid dagaanba, waxaanan mar labaad ugu baaqayaa xukuumada Somaliland in ay dalka iyo dadkaba u badbaadiyaan Khayraadkaa la bililiqaysanayo”

S: Arintan hada la sheegayo ee la leeyahay Laasqoray ayey maamul goboleedka Puntland Dekad ka dhisayaan, taas oo la sheegay in dawlada Kuwait ka caawinayso, arintaasi maxaad kala socotaa?

J: Arinta la leeyahay Dekad ayaa laga samaynayaa Laasqoray waa wax dadka la maqashiinayo, waana meesha dadku u jihaysan yihiin ee laga soo galayo, arintaasina waxay iila muuqataa oo aan waliba xogogaal u ahay in ay tahay arin dadka lagu soo galayo, si looga faa’idaysto baahida ay u qabaan Dekad inay helaan reer Laasqoray.

S: Safarka madaxwayne Axmed Siilaanyo ee England oo la sheegay in waxwayn uu ku soo kordhiyey xidhiidhka Ingiriiska iyo Somaliland, sideed u aragtaa?

J: Xisbi ahaan Arintaas waanu soo dhawaynaynaa, Ilaahayna waxaanu ka baryeynaa in uu kkama xumaanayno anaku, nimanka maamulka hada haya wakhtigii ay mucaaridka ahaayeen waxaanu anagu kaga duwanahay, waxaanu garanaynaa dhibta ay dawladnimadu leedahay iyo culayskeeda, waxaanu garanaynaa in sida wax loo dumiyaa in ay fududahay laakiin sida wax loo dhisaa ay adagtahay.

S: Safiirka Somaliland ee Kenya Indha-buur waxa uu soo bandhigay lunsi hanti ummadeed oo uu ku kacay wasiirul maaliyihii xukuumada Rayaale (Cawil) arintaas siday kuula muuqataa?

J:Xogogaal ayaa la iskugu garnaqaa, anigu intii aan ka mid ahaa xukuumadii hore ee Somaliland, ma filayo in lacag badan oo dhul lagu maalgaliyo in cidi qaadatay. Anigu inkasta oo aanan arintaas xogogaal u ahayn hadana waxaan aaminsanahay, in ay tahay arimo siyaasadeed oo lagu xumeynayo wasiirkii hore ee Maaliyada oo tahay dagaal ay kula jiraan cid ay ishayaan. Wasiirul maaliya waad ogtahay oo mar walba waa laga cawdaa, wasiirka hada ee maaliyada Maxamed Xaashi oo dadaalaya hada waad arkaysaa dad ka cabannaya, safiirku barigii horena waxa uu qoray guryuu halkan ka iibsaday, laakiin waxaan u arkaa arintaa mid safiirku ku xumaynayo sumcada wasiirkii hore ee maaliyada.

S: Ma la qabtaa Dadka aaminsan in xukuumada Rayaale ee aad ka tirsanayd ay xukuumada hada ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay kaga horaysay arimaha Ictiraaf raadinta iyo guud ahaanba siyaada arimaha dibadaba, arintaasi ma kuu muuqataa?

J: Dawladii aan anigu ka mid ahaa ee Rayaale min Ceelaayo ilaa Saylac dalka midnimadiisu way sugnayd, Buuhoodle-na inoomay fadhiyin nimanka la yidhaa SSC, waxa nasiib daro in Garaadada Reer Garoowe ahi intuu yimaado Buuhoodle Geesinimadiisa uu ku gorgortamo oo uu yidhaa anagaa wadna hawsha, ma dhici jirin in Puntland iska cabirato dhulka Somaliland oo marka doontana iska soo gasho.

S: Sidee ayaad odhan lahayn ha u abaarto xukuumadu arinta jabhada Somaliland diidka ah ee SSC?

J: Waxaan jeclahay oo aan kaa codsanayaa in aad arimaha siyaasada dib inoogu dhigto, arin qaran ayaan ka hadlayey oo aad iga waraysatay?

S: Waxa jira arin muran wayn ka taagan yahay oo aad mood in ay ku kala aragti duwan yihiin xukuumada iyo Culimo awdiinka dalku, arintaas oo ah nin Jarmal oo la sheegay in uu sameeyey falal ka soo jeeda diinteena Suuban ee Islaamka, arintaasi siday kuula muuqataa?

J: Shaki Yaqiin ayaa ka roon, ninkaasina dalkeena yuu joogay, sida aan warbaahinta ku arkayna ninkaasi wuu inala xididay, maanta muwaadin xuquudiisa ayuu leeyahay, laakiin waxan la sheegayaa hadii ay jiraan waa arin ceeb ku ah diinteena iyo dalkeenaba, iyada oo aan la buunbuunin oo aan laga dhigin arin ay ka faa’idaystaan Al-shabaab iyo kuwa la halmaala ee cadawgeena ahba, waxaan qabaa maadaama oo uu ninkaas Jarmalka ahi yidhi waan muslimay sharciga ugu adag ee diintaanu jidaysay ha la mariyo.


Source Wargyska Haatuf
Last edited by muftaax on Mon Dec 06, 2010 2:42 am, edited 1 time in total.

User avatar
muftaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 626
Joined: Fri Nov 26, 2010 9:02 pm
Location: Throwing Dabaycos into the Red Sea- Bosaaso Maakhir

Re: The people return: Maxamuud Siciid Maxamed! PL anti-Maak

Postby muftaax » Mon Dec 06, 2010 2:41 am

Back to the Akil Dhahar days, Dabodhilif using outside forces we will eliminate them and send them to EYL :idea:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 81 guests