Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somalia´s goverment sends delegation to Mudug

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Somalia´s goverment sends delegation to Mudug

Postby Coeus » Thu Dec 09, 2010 2:45 pm

Wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayna xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sheekh Xasan, Wasiir ku-xigeeno, Xildhibaano, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Xafiiska R/wasaaraha ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.



Wefdigan ayaa ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana ujeedada safarkoodu uu yahay sidii ay wadahadalo deg deg ah ugu furi lahaayeen beelaha walaaha ah ee maalmihii ugu dambeeyey isku dilayay qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo dagaaladaasi oo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.



Wefdigan ayaa markii ay ka degeen Garoonka Gaalkacyo waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey madax ka tirsan labada maamul goboleed ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo si weyn u marxabeeyey wefdigii ka socday Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ee uu hogaainayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta C/weli Maxamed Cali, iyadoo loo soo gudbiyay Koofurta magaalada Gaalkacyo.



Wefdigan ayaa markii ay gaareen Koofurta magaalada Gaalkacyo waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey madax uu hor kacayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalim iyo madax kale oo ka tirsan maamulkiisa oo iyagu ku sii sugayay wefdiga Hotelka Embassy oo ku yaala bartamaha magaalada, waxaana sidoo kale soo dhoweynta ka qeyb qaadanayay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ahaa Waskiirkii Macdanta iyo Biyaha Xukuumadii hore.

Image


Madaxweyne Maxamed Axmed Caalim ayaa wefdiga u sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin sida ay isu soo xilqaameen Wasiirada Xukuumada iyo xildhibaanada u soo baxay daminta colaadda ka taagan qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in dhankooda ay qoor dhiibteen ayna diyaar u yihiin wax kasta oo nabad lagu heli karo laguna damin karo xiisadaha ka dhex taagan dadka walaalaha ah ee xoolo dhaqatada ah.



Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta Mudane Dr. C/weli ayaa isna dhankiisa si weyn u soo dhoweeyey hadalka madaxweyne Caalim, wuxuuna sheegay inuu uga mahadcelinayo sida diiran ee loo soo dhoweeyey iyo weliba balan qaadka ah inay aqbalayaan wax kasta oo go’aano ah oo nabad lagu gaari karo, isagoo xusay in dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ay yihiin dad walaalo ah oo xidid iyo xasabo ah loona baahan yahay in colaadahaasi la joojiyo wax kastana wadahadal iyo gogol nabadeed lagu dhameeyo.



“Anigu waxaan wakiil ka ahay xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana dooneynaa in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ku noolaadaan Nabad iyo walaalnimo, weyna ina dhibeysaa inaan maqalno beel hebel iyo beel hebel ayaa is dilay” ayuu yiri Mudane Dr. C/weli.

Image

Ugu dambeyntiina wefdiga uu hogaaminayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ayaa u soo gudbay dhanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey, waxaana kulan ka dhacay xarunta martida ee Waqooyiga Gaalkacyo erayo soo dhoweyn ah ka jeediyay Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland Axmed Cali Salaad oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen Wasiir kuxigeeno ka socday maamulka Puntland wuxuuna sheegay in Puntland ay dhankeeda diyaar u tahay Nabad laga gaaro beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin wax kasta oo xal u noqonaya dhiiga daadanaya.



Wefdigan ayaa maalinta berri ah waxay guda geli doonaan sidii ay u ogaan lahaayeen dhibaatooyinka dhacay sababta ka dambeysa si ugu dambeysta xal looga gaaro dagaaladaasi.

Image

Image


Source: http://www.hiiraan.com/news/2010/Dec/wa ... -11848.htm

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 44 guests