Wararka inaga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in saakay diyaarad nooca Xamuulka ay kusoo degatay si lama filaan ah garoonka diyaaradaha ee Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.
Diyaaraddani ayaa markii ay kusoo degatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxaa la weydiiyay waxa ay u soo degtay, waxaana ay sheegeen in ay u soo dageen shidaal la'aan soo qabsatay awgii.
Diyaaradda ayaa intii shidaal loogu maqan yahay waxaa u gudbay gudaha diyaaradda Ciidanka Nabad sugida ee Somaliland kuwaasi oo ogaaday in diyaarqadda ay sido saanad milatari kuna sii jeeday Puntland kana timid Wadanka Uganda.
Madaxda difaaca Maamulka Somaliland ayaa isugu yimid garoonka waxaana ay dib u baareen diyaaradda iyaga oo ku hubsaday in diyaaraddu ay sido saanad milatari isla markaasina la ogaaday in ay u siday Puntland, waxaana amar lagu bixiyay in la hakiyo diyaaradda oo garoonka ay sii dhex fadhiso inta arrinteeda laga xaqijinayo.
Mas'uuliyiinta Somaliland waa ay ka gaabsadeen in ay faah faahiyaan qalabka saaran diyaaradda iyo ujeedka ay u sii hakiyeen hayeeshee wararku waxa ay sheegayaan in Somaliland oo cabsi ka qabtay Puntland iyo Saanad Ciidan oo loo waday oo isku xilli kusoo aaday taasina ay keentay in Somaliland cabsida ay kusii siyaado.