Qawaarijta XI and Shabab make their blood halaal again
Posted: Sat Dec 11, 2010 6:47 am
Faah Faahin kasoo baxaysa dagaalkii Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Buur-Hakaba : ( Sh. M. Network) Waxaa faah faahin dheeri ah ay kasoo baxaysaa dagaalkii ka dhacay degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay oo u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam, iyadoo Saraakiisha Xisbul islaam ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Hal gaari oo kuwa dagaalka iyo 6-askari oo ka tirsan Al Shabaab.
Ku dhawaad 5-qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa ku dhimatay tiro intaa kabadana waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo in ka badan 5-saac qaatay oo maanta degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ku dhexmaray Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.
Dagaalka ayaa bilaawday kadib marii waabarigii hore ee saaka ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo maalmo ka hor lagala wareegay gacan ku haynta degmada ay weerar ku qaadeen degmada Buur-Hakaba oo maalmihii lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen Xarakada Al Shabaab.
Dagaalka ayaa xoogiisa waxaa uu ka dhacay Buundo ku taala Galbeedka magaalada, halkaasi oo sida dad Buur-Hakaba ku sugan ay sheegeen in laga maqalayay madaafiic culus iyo raasas ay is weedaarsanayeen labada dhinac, waxaana sidoo kale magaalada kuwada sugan ciidamad Xarakada Al Shaabab iyo kuw Xisbul Islaam.
Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo Shabelle lahadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Ururka Xisbul Islaam ay isku raacsanyihiin dagaalka ka socda magaalada Buurk-Hakaba, iyagoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen hal gaari oo kuwa dagaalka ah iyo 6-askari oo ka tirsan Xarakada AL Shabaab sida ay hadalka u dhigeen islamarkaan magaalada ay gacanta ku hayaan.
Saraakiisha Xisbiga waxaa ay sidoo kale intaasi ku dareen in dhul howd ah oo ku yaala daafaha magaalada dagaalka uu ka socdo, hase ahaatee goobjooge yaal ku sugan magaalada Buur-Hakaba ayaa waxaa ay ku waramayaan in aan wali lagu kala bixin magaalada oo ay dhinacyadii dagaalamayay is horfadhiyaan.
Xabiibo Xasan Cabdulle oo ka mid ah Haweenka ku nool degmada Buur-Hakaba oo duhurnimadii maanta la hadashay Idaacadda Shabelle kadib markii uu yara hakaday dagaalka ayaa waxaa ay sheegtay in magaalada u kala qeybsantahay dhinacyadii dagaalamay oo magaalada, waxaana ay intaasi ku raacsisay in dagaalka uu saamayn ku yeeshay danyarta ku nool degmada Buur hakaba ee gobolka Bay.
Dagaalkaan maanta degmada Buur-Hakaba ku dhexmaray Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa salka ku haya dagaalo iyo isku dhacyo maalmihii lasoo dhaafay degmada Buur-Hakaba iyo Nawaaxigeeda ku dhexmarayay Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.