Bridge in Buurdhuubo, Gedo
Posted: Sat Dec 11, 2010 3:41 pm
Howshan dayactirka ah ee hadda lagu sameeyey Buundada weyn ee ku taala degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo halkaasi ka socotey mudo ka badan ilaa Tobon maalin ayaa waxaa ay ka dambeysay, ka dib markii dhowaan ay bur bureen qaar ka mid ah Biraha iyo Tiirarkii ay ku taagneyd Buundadaasi oo mudo ka badan ilaa 22sano aanan helin wax dayactir ah,arintaasina waxaa ay saameyn ku yeelatey Gaadiidkii Xamuulka iyo Xoolahii marayey Buundadaasi.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey,islamarkaana ay soo Qaban qaabiyeen Maamulka Wilaayada Gedo laguna soo gunaanadayey Howsha dayactirka ah ee lagu sameeyey Buundadaasi ayaa waxaa ay ka dhacdey Degmada Buurdhuubo,waxaana ka soo qeybgaley Mas,uuliyiin iyo Odoyaal ka kala yimid degmooyinka Baardheere,Garbahaarey iyo Buurdhuubo, waxayna xubnahaasi oo ka hadley xafladii furitaanka Buundada ayaa waxay ku amaaneen Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo, kharashka maalgelinta ah ee uu ku bixiyey dhismaha Buundadaasi oo isbedel weyn uu ka muuqdo.
Mas,uuliyiintii Goobjooga ka ahaa Xafladii furitaanka Buundada ayaa waxaa ka mid ahaa K/s. Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo.Sh.Maxamed Muxumed Ismaaciil (Gadaashey) Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga degmada Garbahaarey Sh. Maxamed Cusmaan dhagey iyo Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga degmada Buurdhuubo.Cabaas Xaaji Maxamed.
Dhinaca Odoyaasha dhaqankana waxaa ka mid ahaa Nabadoon Maxamed Axmed Indhayare, Nabadoon Cali Cabdisamed, Nabadoon Xuseen Cali Biixi, Nabadoon Xuseen Buraale Cali (Surxun), Nabadoon Maxamed Ibraahin Macuush, Sheekh Cabdi Gurxan, Maxamed Aden Xasan (Xayeesi) iyo Odoyaal kale oo uu ka mid yahay Cabdulaahi Maxamed Shakuul oo ka mid ah Odoyaasha degmada Buurdhuubo.