Munaasabad si heer saro ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu furayay xarun cusub oo ay yeeshaan ciidamada militariga dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday Xaruunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho
Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen madaxweynaha dowladda KMG, Siihayaha Ra;iisul wasaaraha ahna wasiirka gaashaandhiga iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa maanta ka dhacday Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho taasi oo lagu furayay xarun cusub oo ay yeeshaan ciidanka xooga.
Munaasabada oo lagu soo bandhigay heeso iyo ruwaado ka turjumaya awoodii iyo kala dambeyntii ay lahaayeen ciidamada xooga ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay ku simaha taliyaha ciidanka militariga Cabdi Kariin Farax dhagabadan, waxaana uu shaaca ka qaaday in uu ku faraxsanyahay furitaanka xarunta cusub islamarkaana ay diyaar u yihiin difaaca dowladda KMG iyo wax ka qabashada xaaladda amaan ee wadanka Soomaaliya.
Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Fiqi oo munaasabada ka hadlay ayaa waxa uu balan qaaday in xukuumada KMG ay daryeeli doonto ciidanka dowladda islamarkaana mushaaraadkooda la siin doono ciidanka dowladda KMG.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyn munaasabada hdal ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in marxalad cusub uu ay gali doonaan ciidanka qalabka sida islamarkaana ay uu dhaweynayo xarunta Cusub ee taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed



