Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda KMG Soomaaliya Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud oo maanta Shirjaraa’id ku qabtay Airporka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in meel wanagsan uu marayo howlaha sameyta baasaboorka tan iyo markii magaalada Muqdisho la keenay makiinadii daabici jirtay baasaboorka Soomaaliya.
Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud Taliyaha laanta socdaalka dowalda KMG ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in 12 dal safaaaradahooda ay si rasmi ah uga hirgiliyeen hilista baasaboorka Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed ee aan sharciga heysan au ugu doodaan inay yihiin dad Soomaali ah.
Taliye Gaafoow Maxamuud ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in 179 dowladood ay gaarsiyeen baasaboorka Soomaaliya si dadka Soomaalida ay ugu fududaato hilista Baasaboorka.
Ugu danbeeyn waaxda socdaalka iyo jinsiyidaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jiraan dad Soomaali ah oo loo xir xiro falal amni daro iyo dhaqaalo la,aan hase ahatee waxaa uu tilmaamay in ay u xirxiran yihiin basaaboor la,aan.