Ciidamo aad u fara badan oo katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta dibad bax weyn waxa ay ka dhigeen afaafka hore ee Xarunta Kumanda Bolisiya halkaasi oo ciidankani amar lagu soo siiyay in ay isaga tagaan shaqooyinkooda.
Ciidankani Booliska ee sameeyay banaanbaxa ayaa ka cabanayay in muddo 4-sano ah ay ku shaqeynayen iskaaga wax u qabso oo aysan wax mushaar ah ka qaadan dowladda Soomaaliya uguna dambeysay Mushaar toos ah oo ay qaataan xilligii ay dhisneyd xukuumaddii uu hoggaaminay Prof.Cali Maxamed Geedi.
Ciidankani ayaa markii ay buuqa badiyeen waxaa laga baqay in ay fawdo ka dhex sameeyaan Xarunta Kumando Boliisiya waxaana ugu dambeyntii loogu yeeray Ciidamada amisom oo rasaas ku furay kadibna ku kala ceyriyay halkaasi.
Ciidamadani ayaa ku cabanayay in deegaanadooda aysan ku laaban Karin maadaama ay dowladda u shaqeynayeen ayna ka baqayaan in ladilo waxayna ka codsadeen Mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan arrimaha taagan.



